Muqdisho (SMN): Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle.
Hoos riix si aad u Dhageysato:-
https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Duhur-10072019.mp3
Muqdisho (SMN): Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle.
Hoos riix si aad u Dhageysato:-
https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Duhur-10072019.mp3
Ceerigaabo (SMN)– Wararka naga soo gaaraya gobolka Sanaaga ayaa ku warramayaa in barqanimadii maanta dagaal u dhexeeyay Ciidamada Somaliland iyo Jabhadda hubeysan ee uu hoggaamiyo Korneyl Caare uu ka dhacay deegaano ka tirsan gobolkaaasi.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii Ciidamada Korneyl Caare ay weerar ku qaadeen fariisimo kuwa Soomaaliland ay ku leeyihiin bariga gobolka Sanaag.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalka oo qaatay dhowr saacadood la’isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan.
Ilo deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay in dagaalka xoogiisa uu ka dhacay deegaanada Dhoob iyo Biya Gaduud oo 30 KM u jira magalaada Ceerigaabo.
Ku dhawaad 5 qof ayaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen dagaalkaasi, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan oo isugu jira dhinacyadii dagaalamay iyo shacab.
Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana aagagii lagu dagaalamay isku horfadhiya ciidamada labada dhinac.
Dhinaca kale Ciidamada Somaliland ayaa lagu soo warramayaa in bandow ay ku soo rogeen deegaano ka tirsan degmada Ceel-Afweyn ee gobolka Sanaag.
Ciidamada ayaa halkaasi ka bilaabay dhaq dhaqaaqyo ay uga hortagayaan maleeshiyaad Beeleed dhawaan ku dagaalamay halkaasi.
Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamadu ay gabi ahaan hakad galiyeen dhaq dhaqaaqyada deegaanada ku xeeran degmadaasi.
Shalay Madaxweyne Biixi ayaa amar ku bixiyey in Milatariga Somaliland ay ku baxaan xiisadan, islamarkana ay kala dhex galaan maleeshiyaadka ku dagaalamaya halkaasi
Muqdisho (SMN)– Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magalada Marka ee Caasimadda gobolka Shabeelada Hoose.
Guddoomiyaha gobalka Shabeelada hoose, Guddoomiyaha Degmada Marka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ayaa ku soo dhaweeyay halkaasi.
Madaxweyne Lafta Gareen iyo wafdiga uu hoggaaminayo oo maalmahanba ku sugnaa magaalada Xuddur ee Caasimadda gobolka Bakool, ayaa lagu wadaa in uu uga warbixiyo maamulka iyo Shacabka Marka wixii uu halkaasi kula soo kulmay, iyaga oo sidoo kale la filayo in ay kala war qaataan, si ay ula socdaan xaaladda guud ee Gobolka Sh/ Hoose.
Halkan hoose ka daawo Sawirrada:
Rakhiya Ismaaciil waa gabar Soomaali ah oo taariikh ka dhigtay wadanka UK kaddib markii bishii May ee sanadkan ay noqotay haweenaydii ugu horreysay ee Muslim ah ee xijaaban ee dalkaasi ka noqota duq degmo ama maayir.
Kismaayo (SMN)– Ciidamada Milatariga Soomaaliya ayaa maanta sarkaal ka tirsanaa Al-Xarakada Shabaab oo isa soo dhiibay ku soo bandhigay deegaanka Baarsanguuni oo hoostaga magaallo Xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.
Magaca ninkaasi ayaa saraakiisha ciidamada dowladdu waxa ay ku sheegeen Xuseen Xasan Cambeer.
Sidoo kale saraakiisha ayaa xusay in ninkani uu Al-Shabaab u qaabilsanaa abaabulka kooxda jugta culus, waxaana ay tilmaameen inuu ka howlgali jiray gobolka Shabeelaha Hoose ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Gaashaanle sare Ismaciil Sheekh Isxaaq Abaanduulaha guutada 11-aad qeybta 43-aad ee ciidanka Xoogga oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in isa soo dhiibista sarkaalkan ay timid markii uu dagaal la galay Kooxo kale oo daacad u ahaa Al-Shabaab, taas oo u suurto gelisay in uu si nabad ah isu soo dhiibo.
Ma jiro illaa haatan wax hadal ah oo ka soo baxay dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab oo ku aadan sarkaalkaasi.
Maalmihii la soo dhaafay ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa kordhiyey howlgallada ka dhanka ah ee Al-Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha dalka.
Safiirka Britain ee Mareykanka Kim Darroch ayaa maanta ku dhawaaqay inuu is casiley, islamarkaasina uu sheegey in ay adag tahay in uu sii wato shaqadiisa.
Muqdisho (SMN)– Kusimaha Xoghayaha joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Avv. Hersi Haji Olosow, ayaa maanta oo Arbaco ah xafiiskiisa kaga guddoomay nuqul kamid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo ee Safiirka cusub ee Ruushka, Mudane Mikhail Golovanov.
Kusimaha Xoghayaha joogtada ayaa urajeeyay Safiirka cusub in uu ku guuleysto howlaha loo igmaday, isagoo carabka ku adkeeyay in uu si dhammeystiran utaageeri doono xoojinta xariirka laba geesoodka ee qotada dheer u dhaxeeya labada dal ee saaxiibada ah si iskaashi dhow dhinacyo badan leh loo sameeyo.
Muqdisho (SMN)– Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi C/llaahi, ayaa Dalka dib ugu soo laabtay, markii uu ka soo qeyb galay shirkii Baarlamaannada Adduunka ee lagu soo gabagabeeyay dalka Ruushka.
Mudane Xaashi ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhoweeyay xubno ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, isagoo ka warbixiyay waxyaabihii ka soo baxay shirka.
Cabdi Xaashi Cabdullahi, Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa sheegay inuu kulan la qaatay Labada Aqal ee Baarlamaanka Ruushka, kana wada hadleen sidii loo soo celin lahaa xiriirkii soo jireenka ahaa ee ka dhaxeeyay Dalalka Soomaaliya iyo Ruushka.
Garsooraha ayaa xukunkiisa u cuskaday xaqiiqda ah in Trump ciwaankiisa Twitter-ka uu u adeegsado in uu ku shaaciyo go'aanada dowladda ee saamayn kara muwaadhin kasta.
كثيرة هي كتب الإنثروبولوجيا والتاريخ القديم التي اثارت تعدد الشخصيات (الحقيقية او الاسطورية) التي تتناول ” معجزة” ولادة أطفال من أم عذراء، والملفت للنظر ان هذه الروايات تعود لفترات سابقة على قصة المسيح بفترات طويلة بعضها يصل لعشرات القرون. لعل كتاب استاذ التاريخ القديم في جامعة نيويورك ثوماس ماثيوس(Thomas F. Mathews) وعنوانه ” صدام الألهة”(The […]
The post الأم العذراء appeared first on IslamOnline اسلام اون لاين.
Barnaamijka Haweenka iyo Qoyska ee toddobaadkna waxaa marti ku ah Muna Ismaaciil Maxamed oo ka mid ah gabdhaha Soomaalida ah ee Hilib Xalaalka ku leh magaalada Columbus ee gobolka Ohio.
Faransiiska ayaa sheegay in gantaallada laga helay waddanka Liibiya lagu waday in dhawaan la burburiyo cid laga gadayna ma ay jirto.
Waa su'aasha cid kasta is weeydiinayo, haddii laga jawaabana dad badan oo deegaankaasi degen ama daneeya ay neef kasoo bixi lahayd.
لا يمكن فهم حياة الأفراد ولا تاريخ المجتمع منفصلين، دون فهم الآخر والعلاقة التي تربط بينهما ” – رايت ميلز ألف عالم الاجتماع تشارلز رايت ميلز عام 1959م كتاب “الخيال السوسيولوجي” وهو الكتاب الذي شجع الناس على استبدال النظر للأمور واستعراض حياتهم الخاصة وتغيير وجهة نظرهم، وشجع ميلز كل فرد من أفراد المجتمع على التوقف […]
The post أمثلة الخيال العلمي الإجتماعي عند رايت ميلز appeared first on IslamOnline اسلام اون لاين.
لطالما شُغل الناس بموضوع (المهدي المنتظَر)، الذي وردت فيه أحاديث كثيرة اختلف العلماء في الموقف منها، بين مصحِّح ومضعِّف؛ حتى قال ابن خلدون في (مقدمته)، بعد أن أوردها وناقشها: “فهذه جملة الأحاديث التى خرَّجها الأئمة في شأن المهدى وخروجِه آخِرَ الزمان؛ وهى كما رأيت لم يخلص منها من النقد إلا القليل أو الأقل منه”([1]). ولم […]
The post من المهدي المنتظر إلى المجدد المنتظر appeared first on IslamOnline اسلام اون لاين.
Muqdisho (SMN) – Dhageysteyaasheena ku xiran website-ka waxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen.
Hoos riix si aad u dhageysato
https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-habeen-10072019.mp3
Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Dowladda Ruushku u soo magacawday Soomaaliya.
Danjiraha Ruushka Mudane Mikhail Golovanov oo Madaxweynaha soo gaarsiiyay salaan iyo farriin uu uga siday dhiggiisa dalkaas Mudane Vladimir Putin ayaa hoosta ka xarriiqay in uu dadaal badan gelin doono xoojinta xiriirka labada dal, isaga oo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhaweynta wanaagsan.
Madaxweynaha iyo danjiraha cusub ayaa ka wada hadlay dib u xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ruushka si loo adkeeyo iskaashiga dhinacyada gargaarka bini’aadannimada, dhaqaalaha iyo waxbarashada.
Danjire Mikhail Golovanov ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku bogaadiyay horumarka iyo dib u habaynta dhanka amniga iyo dhaqaalaha isaga oo Madaxweynaha kala hadlay qaabkii ay Dowladda Ruushku gacan uga geysan lahayd tababarka shaqaalaha rayidka ah iyo laamaha amniga.
Dhankiisa, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa danjiraha la wadaagay dadaalka ay Dowladdu ugu jirto dib u soo noolaynta xiriirkii ay la lahayd waddamada adduunka iyo sida ay uga go’an tahay inay dalalka caalamka la yeelato iskaashi miradhal ah oo ku dhisan is-qaddarin iyo wax-wada-qabsi.
Madaxweyne Farmaajo ayaa Danjiraha cusub ugu hambalyeeyay xilka loo magacaabay isaga oo ka guddoomay martiqaad rasmi ah oo uu uga siday Madaxweynaha Ruushka Mudane Vladimir Putin kaasi oo ku aaddan ka qaybgalka Shirka Afrika ee dabayaaqada sannadkan ka dhacaya magaalada Sochi ee dalka Ruushka.
Muqdisho (SMN) – Dabley ku hubeysan bastoolado ayaa laba ruux ku dishay xaafadda suuqa xoolaha, degmadda Heliwaa ee magaaladda Muqdisho.
Goobjoogeyaal ayaa shaaca ka qaadey in labadda qof lagu dhex-toogtey goob ay ku sugnaayeen oo ah Stuudiyo.
Mid kamid ah labada shaqsi ee la khaarijiyey oo magaciisa lagu soo koobay Ismaaciil ayaa la sheegay in uu lahaa mehradaasi.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in kooxaha hubeysan ee falka geystay ay ka baxsadeen meesha ay wax ka dhaceen.
Ciidamadda ammaanka ayaa durba tegay halkaasi, iyaga oo sameeyay howlgalo aanan la ogeyn hadii dad lagu soo qabqabtey.
Ma jirto sidoo kale koox dusha saaratay mas’uuliyadda dilkan oo aysan sidoo kale laamaha amniga weli wax war ah aysan kasoo saarin.
Muqdisho (SMN) – Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta guddoomiyay shirka horumarinta iyo dib-u-dhiska Soomaaliya (SDRF) oo lagu qabtay Muqdisho ee caasimadda dalka.
Shirka oo ay ka qayb galeen beesha caalamka iyo deeq bixiyaasha ayaa lagaga hadlay barnaamijyada horumarinta dalka.
Kulanka ayaa warbixin looga dhagaystay maamulka gobalka Banaadir, dowlad gobaleedyada iyo wasaarahaha haweenka iyo qorsheynta.
Wasaaradda howlaha guud ee DFS ayaa intii uu shirku socday waxa ay soo bandhigtay mashaariic bangiga adduunku uu ka fulinayo goballada dalka Soomaaliya.
Shirka horumarinta iyo dib-u-dhiska Soomaaliya (SDRF) oo ay kasoo qayb galaan dawladda federaalka, maamul gobaleedyada, qaramada midoobay, Midawga Yurub, Ururuka Iskaashiga Islaamka, Bangiga adduunka, Bangiga horumarinta Afrika iyo dhammaan dhinacyada Soomaaliya kala shaqeeya horumarinta ayaa looga hadlaa arrimaha horumarineed ee dalka.
Mucaaradka Suudaan ayaa hogaamiyayaasha milateriga waxa ay ku eedeeyeen inay u ogolaadeen quwado shisheeye inay murjiyaan xaaladda dalka.