Gaalkacyo (SMN) – Bulshada ku nool dhanka waqooyi ee degmada Gaalkacyo ayaa garoonka kubbadda cagta Cawaale si wayn ugu soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) oo galabta socdaal kusoo gaaray dhanka waqooyi ee magaalada.
Garoonka Cawaale oo loogu magac daray halgamaa Maxamed Cawaale Liibaan ayaa waxaa soo buux dhaafiyay dad u badan dhallinyaro xamaasadeysan oo isu abaabulay soo dhaweynta Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, kuna dhawaaqayay erayo ay ku muujinayaan dowlad jaceylka ay qabaan iyo sida ay ugu faraxsanyihiin socdaalka wafdiga uu Ra’iisul Wasaaruhu hoggaaminayo.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo bulshada waqooyiga Gaalkacyo uga mahadceliyay soo dhawaynta ay u sameeyeen ayaa ku dhiirri geliyay in ay ka shaqeeyaan ilaalinta gobannimada iyo xornimada ay soo hooyeen dhallinyaro badankood kasoo jeeday gobalka Mudug.
“Halyaayadii Soomaaliyeed waxa ay nooga tageen in Quluubta ummadda Soomaaliyeed marna xuduud kala yeelan karin. Gaalkacyo waqooyi iyo Koofurba waa Soomaali oo aan la kala qaadi karin”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa khudbaddiisa ku sheegay in labada maamul ee Gaalkacyo ka jira ay dowladda federaalku kala shaqeyneyso nabadeynta iyo isu soo dhawaanshaha bulshada.
“Shacabka iyo dowladda waa wadnaha iyo beerka qofka bini aadamka. Lama kala qaadi karo shacabka iyo dowladda”, Ayuu yiri Mudane Xasan Cali Khayre.
Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ballan qaaday in dowladdu ay dhisayso garoonka kubbadda cagta Cawaale ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug.
Khayre oo si weyn loogu soo dhaweeyay W/Gaalkacyo
Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle.
Hoos riix si aad u dhageysato
https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/BAr___Qubanaha-10072019-OK.mp3
Qubanaha VOA, July 11, 2019
Puntland oo qoonsatay Kheyre oo tagay waqooyiga Gaalkacayo
Ra'isulwasaare Kheyre ayaanan ka qeybgalin kulan ku talogalka uu ahaa in uu ka dhoco madaxtooyada Gaalkacayo, halkaas oo mas'uuliyiinta maamulka iyo odayaasha dhaqanka ay ugu diyaarsanaayeen.
Dhageyso: Warka Subax ee Idaacadda Shabelle
Muqdisho (SMN) – Dhageysteyaasheena ku xiran website-ka waxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa Warka Subax ee Idaacadda Shabelle.
Hoos riix si aad u dhageysato
https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Subax-11072019.mp3
Cawad: “Ma jiraan kulamo lagu xalinayo dacwada badda”
London (SMN) – Wasiirka Arrimaha Dibadda xukuumadda federaalka ayaa beeniyay in ay jiraan kulamo xal loogu raadinayo dacwadda badda ee ka dhaxeysa dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.
Axmed Ciise Cawad ayaa sidoo kale waxbo kama jiraan ku tilmaamay in ay jiraan dowladdo dhexdhexaadin ka dhex-wado labadda dowladood oo doonaya in ay xaalada wada ku dhameeyaan.
Mr Cawad ayaa ku nuux-nuux saday in dowladda federaalka aysan marnaba gorgortan ka geli doonin dacwadda badda, ayna ka dhowrsugayaan go’aanka Maxkamadda Cadaaladda Dunida.
Dabayaaqadda sanadkan 2019 ayaa la filayaa in uu soo baxo go’aanka ICJ, kaasi oo mid kamid ah dhageysiyadiisa ugu dambeeya la filayo in dib loo bilaabo bisha soo aadan ee September 2019.
Hadalka wasiirka ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xili ay taagneyd hadal-heyn ku aadan in uu isbedelay mowqifka madaxda dalka ee kiiska badda, taasi oo uu horey u beeniyay xafiiska madaxweyne Farmaajo.
Somaliland oo ciidamo soo dhoobtey Ceerigaabo
Ceerigaabo (SMN) – Maamulka Somaliland ayaa lagu waramayaa in uu ciidamo dheeraad ah kusoo daabulay agagaarka magaaladda Ceerigoobo ee gobolka Sanaag, waqoyga Soomaaliya.
Talaabadan ayaa imaaneysa xili ay halkaasi shalay ka dhaceen dibad-baxyo rabshado watay kuwaasi oo waxyeelo sababay.
Ciidamada ayaa la sheegayaa ay bilaabeen howlgalo ay uga hortagayaan in mar kale ay halkaasi ka dhacaan banaanbaxyo rabshado wata.
Dhanka kale, wararka ayaa intaasi ku daraya in laga cabsi qabo isku dhac mar kale qaybo kamid ah gobolkaasi ku dhexmara ciidamada Somaliland iyo Jabhadda uu hogaamiyo Korneyl Caare.
Jabhadda Korneylka iyo ciidamada Somaliland ayaa dhowr jeer horey ugu diriray qaybo kamid ah gobolkaasi oo ay wali isku hor-fadhiyaan.
Xaaladda gobolka ayaa la sheegayaa in ay tahay mid kacsan isla markaana laga cabsi qabo iska hor-imaad dhinacyadaasi dhex-mara.
Mudooyinkii dambe qeybo kamid ah gobolka Sanaag waxaa kusoo laa-laabanyey dagaalo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo Jabhadda Korneyl Caare.
Dad shacab ah oo dil iyo dhaawac loogu geystay Mudug
Gaalkacyo (SMN) – Dabley hubeysan ayaa la sheegayaa in xalay ay rasaas ooda uga qaadeen gaari ay saarnaayeen dad shacab ah.
Gaari la rasaaseeyay ayaa lagu waramayaa in uu marayey degaanka Saaxo oo u dhaxeeyay magaalooyinka Gaalkacyo iyo Goldogob.
Dadka saarnaa baabuurka ayaa sheegayaa in ay kasoo jeedeen degmada Goldogob ay kusoo wajahnaayeen xarunta gobolka Mudug.
Inta la xaqiijiyey afar ruux oo rayid ah ku dhimatay dhacdadaasi xili ay ku dhaawacmeen tirro kale oo intaasi ka baxay.
Kooxaha hubeysan ee falka sameysay ayaa la sheegay in ay goobta ka baxsadeen xili aanan wali la ogeyn waxa keenay falkan.
Mas’uuliyiinta maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa nan wali wax war ah kasoo saarin dhacdadan.
Mudooyinkii dambe waxaa degaanada gobolka Mudug waxaa kusoo kordhayey dilalka salka ku haya aanooyinka qabiil.
XFS oo ka shaqeyneysa nabaddeynta Gaalkacyo
Gaalkacyo (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa sheegay in labada maamul ee Gaalkacyo ka jira ay dowladda federaalku kala shaqeyneyso nabadeynta iyo isu soo dhawaanshaha bulshada.
“Shacabka iyo dowladda waa wadnaha iyo beerka qofka bini aadamka. Lama kala qaadi karo shacabka iyo dowladda”, ayuu yiri Khayre.
Xasan Cali Khayre, wasiirka koowaad ee xukuumadda federaalka ah ayaa hadalka ka sheegay markii uu shalay tegay waqoyga xarunta gobolka Mudug oo uu ka armiyo maamul goboleedka Puntland.
Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa ballan qaaday in dowladdu ay dhisayso garoonka kubbadda cagta Cawaale ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug.
Muqdisho oo 90 casho looga nadiifinayo qashinka
Muqdisho (SMN) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa xalay magaaladda Muqdisho ka bilaabay howlgal lagu burburinayo goobaha sharci daradda ah ee ku yaala hareeraha wadooyinka.
Howlgalkan oo xalay laga sameeyay wadada Maka Al Mukarama ayaa waxaa ka qeybqaatay ciidanka ilaalada degaanka iyadda oo ay goobjoog ka ahaayeen mas’uuliyiinta qaar ee degmooyinka.
Madaxda ayaa sheegay in tani ay qeyb ka tahay howlaha uu maamulku wado ee bilic soo celinta caasimadda si ay ula tartatanto dhigeeda magaalooyinka kale ee caalamka iyo dalalka deriska.
Cabdifitaax Cumar Xalane, Agaasimaha Waaxda Nafaadda maamulka gobolka gobolka Banaadir, ayaa wuxuu shaaca ka qaadey in muddo 90 casho ah ay caasimada uga nadiifinayaa qashinka
Mr Xalena ayaa shaaciyey in amarkan uu bixiyey gudoomiyaha gobolka ahna duqa caasimada, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow, kaasoo dhankiisa kormeer ku sameeyay howlgalka.
Shan sheey oo ugub ah oo Trump ku saabsan oo banaanka yimid
Ma ahan arrin qarsoon xiriirka aan diiranayn ee ka dhaxeeya Trump iyo wasaaradda arrimaha dibedda Maraykanka.
Masaajid maamulkiisa la’isugu haysto awood qeybsiga 4.5
Arrin tan la xiriirta waxa ay ka dhacday xaafadda Biskopsgården ee magaalada Gothenburg ee dalka Sweden
Iran oo lagu eedeyay isku day weerar oo ka dhan ah markab Ingriisku leeyahay
Dowladda Britain ayaa maanta sheegtay in doonyo ay leedahay Iran ay isku dayeen in ay is hortaag ku sameeyaan markab shidaal oo uu Ingiriisku leeyahay xilli uu marayay marin biyoodka Hormuz.
Weeraro khasaaro geystay oo ka dhacay Sh/ Hoose
Marka (SMN)– Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weeraro xoogan oo saacadihii la soo dhaafay Al-Shabaab ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose.
Weerarka koowaad ayaa ka dhacay M/Marka ee xarunta gobolkaasi, iyadoona uu xigay dagaal toos ah oo dhex maray Milatariga Soomaaliya iyo raggii weerarka soo qaaday.
Warbaahinta ku hadasha afka Al-Shabaab ayaa sheegtay in dagaalkaasi ay ku dhinteen illaa 10 askari, kuna dhaawacmeen 7 kale.
Sidoo kale kale weerarka labaad ayaa ka dhacay deegaanka Bariire ee isla gobolka Shabeelaha Hoose.
Dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ayaa la sheegay inay weerar ku ekeeyeen fariisimo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin deegaankaasi.
Ma cadda illaa haatan khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi oo la’isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan.
Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada Xoogga dalka oo la xariira weeraradaasi.
Al-Shabaab oo weli ku xoogan koonfurta Soomaaliya ayaa inta badan weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada xarumaha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.
الخلية الأولى: من أين و إلى أين؟
لعل البحث عن البدايات، متى ظهرت الحياة على سطح الأرض، من أين جئنا، هل نحن نتاج تطور أعمى من خلية بسيطة تراقصت جزيئاتها في بركة مائية ساخنة، أم إننا مخلوقات طينية نُفِخَت فيها الروح بالأعلى وهبط ابوينا الأرض بعد أن ازلهما الشيطان؟. لطالما داعبت هذه الأسئلة أدمغة الكثيرين منا، و شكلت لغزاً عميقاً وجزءاً رئيساً […]
The post الخلية الأولى: من أين و إلى أين؟ appeared first on IslamOnline اسلام اون لاين.
Sawirro: Rag burcad ah oo lagu soo bandhigay Dharkenley
Muqdosho (SMN)– Ciidanka ammaanka ayaa maanta Saldhigga Degmada Dhankeynleey kusoo bandhigay Lix Nin oo Burcad ah, kuwaas oo Dadka Rayidka ah dhac iyo handedaad u geysan jiray.
Raggan oo markii lasoo qabanayay ku Hubeysnaa Qoryaha AK-47, ayaa Bulshada ku hayay dhib fara badan, kuwaas oo loo gudbiyay Maxkamadda Ciidanka, si loogu qaado dembiyada loo haysto.
Duqa Magaalada Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, C/raxmaan Cumar Cusmaan, oo goobta lagu soo bandhigayay Burcadda ku sugnaa ayaa sheegay in ay ka maamul ahaan wadaan olole ballaaran oo lagu cirib tirayo qowleysatada dhaca u geysta Shacabka ku dhaqan Xaafadaha Degmooyinka Gobolka Banaadir.
“Olole xoogan baan wadnaa oo cid kasta oo Hub u adeegsata Shacabka loo gudbinayo Maxkamada Ciidanka si aan Shacabka u badbaadsanno” ayuu yiri Guddoomiye Yariisoow.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in Qofkii ka daba yimaadda Burcadda loo aqoonsanayo Burcad-kalkaal, isla markaana laga qaadi doono tallaabada ku habboon.
Halkan hoose ka daawo Sawirrada:
Ma jiraan cuntooyin sare u qaadi karo hammada?
Haddii ay jiraan caddeymo ku saabsan in hal cunto ah oo aad qaadatid ay sare u qaadi karto shahwadaada, waa arrin inta badan dadka ay raadin lahaayeen.
Bandhigga: Saameynta Caalamiga ah ee Internet-ka & Tignaloojiyadda
Ku soo dhawaada Barnaamijka Bandhigga VOA oo toddobaadkan ku saabsan adeegga internetka iyo tignaloojiyadda caalamiga ah iyo sida ay dunida u saameyeen.
Dib-u-qaabeyn lagu sameynaayo Laascaanood
Wasaaradda howlaha guud ee Somaliland, ayaa sheegtay inay magaalada Laascaanood ee xarrunta gobolka Sool ka waddo qorshe lagu qaabeynaayo magaalada.
Xaflad sagootin ah oo loo sameeyey Arday dhameysay Hoyga Xmaar
Muqdisho (SMN)– Waxaa maanta xaflad sagootin ah Iskuulka Hoyga Xamar ee magaalada Muqdisho loogu sameeyey Arday ka qalin jabisay Iskuulkaasi.
Ardaydan oo kor u dhaafeysay 500 oo Arday ayaa waxa ay isugu jireen Gabdho iyo Wiilal, kuwaas oo sanadkan ka qalin bedashay Dugsiyada Hoyga Xamar.
Waa dufcaddii 15-aad ee ka baxda Hoyga Xamar oo xarumo kala duwan ku leh magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda.
Munaasabadda waxaa ka qeyb galay maamulka, macalimiiinta Hoyga Xamar, Arday, Waalidiin iyo marti sharaf kale.
Wariyaha Shabelle Mahad Maxamed Cabdiraxmaan (Mutawakil) oo ka qeyb galay xafladaasi ayaa ka diyaariyey Warbixintan.
Halkan hoose ka dhageyso Codka.
https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka.mp3