Waxaa saakay xasiloon xaalada deegaano u dhaw dhaw magaalada Ceelbuur oo ay shalay ka dhaceen dagaalo lagu hoobtay oo u dhaxeeyey Al Shabaab iyo Ahlu Sunna iyo itoobiyaan isku dhinac ah.
Dagaal faraha loogaga gubtay ayaa shalay labada dhinac ku dhexmaray deegaan 22 km dhinaca bari kaga beegaan magaalada Ceelbuur halkaasi oo la sheegayo in ay ku dhinteen dad gaaraya 17 ruux.
Saraakiisha Ahlu Sunna Waljamaaca ee magaalada Ceelbuur ayaa sheegtay in ay dileen dagaalyahano badan oo ka tirsan Al Shabaab isla markaana ay meydadkooda soo bandhigayaan maanta.
Axmed Cabdi Xasan oo ah taliyaha Ahlu Sunna ee gobolka Ceelbuur ayaa BBC-da u sheegay in weerareen meel ay isku aruursanayeen Al Shabaab isla markaana ay ka dileen 17 ruux sida uu sheegtay isagu
.
“Weerar ayaan ku qaadnay Al Shabaab kuwaasi oo fariisin ka sameystay meel Ceelbuur dhanka bari kaga beegan 22-km, qasaaro xoog leh ayaan gaarsiinay waxaana meydkooda soo dhignay barxada Ceelbuur 17 nin oo meyd ah oo ka tirsan Qawaarijta qof noolna waan heynaa,” ayuu yiri.
Mar wax laga weydiyey dadka uga dhintay dagaalka ayuu ku adkeystay in laba nin ay kaga geeriyootay.
“Dhankeena walaaloow hal nin ayaa naga dhintay saakay 8:00 subaxnimo, galabtana mid kale ayaa naga dhintay, dhaawaca xageena waa shan nin marka xaalkeena waa wanaagsanyahay,” ayuu yiri.
Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Al Shabaab, sidoo kale war madaxbanaan oo arrintaasi xaqiijinaya ma jirto.