Ciidamadda Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya ayaa waxay maanta ku guuleysteen inay gacanta ku soo dhigaan gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, kaasoo ay saarnaayeen 7 qof oo mid ka mid ah ay tahay qof dumar ah.
Ciidamadda Dowladda Soomaaliya ee joogga Deegaanka Hoosingow ee Gobolka Jubbada Hoose, ayaa waxay gacanta ku dhigeen gaari SURF ah oo ay saaran yihiin todobo ruux, lagana soo buuxiyay walxaha qarxa.
Ciidamadda Dowladda ayaa gaarigaasi joojiyay xilli ay marayeen Check Point ay halkaasi ku lee-yihiin, iyagoo ku mashquulsan baaritaanadooda ayaa waxay la-kulmeyn walxaha qarxa oo laga soo buuxiyay gaarigaasi.
Durbaba waxay gacanta ku dhigeen todobadii qof ee saarneyd iyo gaarigaba, waxayna xilligaan ay ku hayaan xabsi ku meel gaar ah oo ay ku lee-yihiin Deegaanka Hoosingow ee Gobolka Jubbada Hoose.
Afhayeenka Ciidamadda Xoogga Dalka Somaliyeed ee Gobolada Jubbooyinka Korneel Maxamed Faarax Daahir, ayaa wuxuu xaqiijiyay inay gacanta ku soo dhigeen gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, sida uu sheegay.
Korneel Maxamed Faarax Daahir ayaa wuxuu sheegay in Taliska Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya ee Gobolada Jubbooyinka ay faah faahin ka bixin doonaan dadka iyo gaariga walxaha qarxa laga soo buuxiyay, ee ay gacanta ku soo dhigeen.