Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Mareykanka oo wacad ku maray inay dhuun-qabateyn ku sameynayaan ciddii ka soo horjeesata Road-map:ka Soomaaliya

$
0
0

Dowladda Mareykanka ayaa markale ku celisay sida ay uga soo horjeedo shaqsiyaadka laga yaabo inay ka soo horjeestaan geedi-socodka qorshaha ay Soomaalidu uga baxeyso nidaamka mudada soo jiitamayay ee ku Meelgaarka.

Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Jonny Carson oo kulan-wareed u qabrtay saxaafadda mar uu ku sugnaa Nayroobi ayaa ugu hanjabay shaqsiyaadkii ka soo horjeesta Road-map:ka in la dhuun-qabateyn doono, safarada iyo xiriirka diblumaasiyadeed ee caalamiga ahna laga jari doono.

Bisha Agoosta soo socota ayaa loo madlan yahay in nidaamka Ku meelgaarka ah Soomaaliya laga saaro waxaana nidaamkaas ka bixistiisa ka horeysa soo xulashada xubnaha ansixiniyana dastuurka  qabyo-qoraalka ah ee haatan miiska saaran.

Si kastoo ay ahaataba, hanjabaadda Mareykanka ayaa ka dambeysay gunuunucyo hoose oo beryahan dambe ka soo yeeray maamulada ka jira Soomaaliya qaarkood gaar ahaan maamulka Puntland oo u arko in habka haatan ay wax u socdaan uusan si gaar ah iyaga ugu wannaagsaneyn.

halgankanet@gmail.com  


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>