Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

War xaasaasi ah: Shiikh Xasan Daahir oo lagu soo wararmayo in uu si hoose ula kulmay Shiikh Shariif iyo wasiirka arrimaha gudaha ee TFG:da

$
0
0

Warar si hoose looga helay qaar ka tirsan gacan-yarayaasha Shiikh Xasan Daahir ayaa sheegaya in shiikhu uu kulan qarsoodi ah la qaaday madaxweyne Shariif oo ay beri ahaayeen jaal inkastoo markii dambe ay kala furteen iyo wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka ee TFG:da.

Kulanka odayaashan ayaa waxaa soo qabanqaabiyay baa la leeyahay wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka oo kaashanaya odayaal beeleed ku heyb ah wasiirka iyo shiikh Xasan, kulankaas oo ka dhacay deegaanka Jasiira meel dhanka Muqdisho ka soo xigta.

Warkan oo runtii xaasaasi ah ayaan weli si rasmi ah loogu shaaciyay warbaahinta waxaana shaacin la'aantiisa sabab looga dhigay kulan dambe oo ay odayaashani u madlan yihiin iyo arrimo dhinaca ammaanka ah oo aan la dooneyn in al shaaciyo.

Maalmo kahor ayeey aheyd markii uu Mareykanku adduun lacageed dul-dhigay nolol iyo geeri mas'uuliyiinta ugu sareysa al Shabaab, laakiin mas'uuliyiintaas Shiikh Xasan Daahir kuma jiro, arrintaani waxay abuurtay sida dad badan qabaan tuhun al Shabaabka soo kala dhexgala.

Wixii war ah ee warkan ka soo baxa dib ayaan idiinkugu soo sheegeynaa haddii Alle idmo.

halgankanet@gmail.com 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>