Saraakiil ka tirsan AMISOM oo shalay gaaray degmada B/weyn ayaa shirar
ammaanka looga hadlayay la qaadatay saraakiisha maamulka Gobolka
Hiiraan, iyadoo saraakiisha AMISOM balan qaadeen in ciidamo dheeraad ah
ay keeni doonaan.
Kulankan
oo ka dhacay xarunta maamulka ayaa waxaa intii uu socday la is
dhaafsaday talooyin la xiriira ammaanka, waxaana saraakiisha AMISOM ay
sheegeen in dhowaan ay qaadi doonaan howl galo.
Ku simaha Gudoomiyaha gobolka Hiiraan ahna gudoomiye Kuxigeenka Mr Axmed
Inji ayaa sheegay in kulankooda uu ka soo baxay natiijooyin wax ku ool
ah, isla markaana qorshaha ugu weyn ahaa sidii ammaanka loo xaqiijin
lahaa.
“AMISOM waxay halkan u timid inay taageerto dowladda, cadawga aan
leenahay waa argagixisada, kuwaas inaan meel uga soo wada jeesano ayaa
go’aan ku gaarnay”ayuu yiri Axmed Inji.
Magaalada B/weyn ayaa waxaa haatan ku sugan Ciidamo ka socda dalka
Jabuuti oo qeyb ka ah howl galka AMISOM, iyadoo qorshuhu yahay in
ciidamada ay ka qeyb qaataan howl galka gobolada dhexe ka socda.
↧
Saraakiil ka socota AMISOM oo gaaray B/weyne
↧