Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Madaxa ururka Alshabaab oo fariin cod ah soo diray

$
0
0

Amirika Xarakada Al Shabaab Sheekh Mukhtaar C/Raxmaan “Abuu Zubeyr”,
balse ay Soomaalidu u taqaano Axmed Cabdi Aw Maxamed “Axmed Godane”,
ayaa wuxuu ka jawaabay hadalka ka soo yeeray Dowladda Maraykanka.
Amiirka ayaa wuxuu marka hore uu sheegay in Gaallada aysan wax wanaagsan
oo dhan la-rabin buu yiri dadka Muslimiinta ah, isla-markaana wuxuu
sheegay in ujeedada loo-beegsanaayo hogaanka Al Shabaab ay tahay, iyadoo
dhibaato lala damacsan yahay buu yiri shacabka Muslimiinta ah ee
Soomaaliyeed.
Amiirka ayaa wuxuu sheegay in cid walba ay ogtahay in Xarakada Al
Shabaab ay nabad iyo kala dambeyn ballaaran ka hirgalisay Gobolada
Koonfurta iyo Bartamaha ee Soomaaliya, isla-markaana wuxuu sheegay in
horumarka ay ka sameeyeen ay ka mid yihiin nabad, kala dambeyn,
ganacsiga oo fida, beerihii dalka oo uu wax soo saarkoodu kala soconaayo
iyo shacabka Somaliyeed oo uu sheegay inay ku xukumayeen Diinta
Islaamka.
Sheekh Mukhtaar C/Raxmaan ayaa wuxuu ka dhawaajiyay in Gaallada ay dalka
Soomaaliya soo gelineysay sida uu sheegay raashiinka dhacay, ayna
dooneyso buu yiri inay hakiso wax soo saarkii beeraha Soomaaliya,
isla-markaana taasi ayaa wuxuu sheegay in lagula dagaalamaayo Al
Shabaab.
Amiirka ayaa wuxuu sheegay in dadka Gaallada ah aysan dooneyn waxa ka
soconaaya buu yiri Maqribul Islaam, Ansaaru Shareeca Yemen iyo
Soomaaliya, hase ahaatee aysan iyaguna taasi ka aqbali doonin Gaallada,
oo ay la-dagaalami doonaan.
Sidoo kale Gaallada ayaa wuxuu sheegay inay jacel yihiin in dadka
Muslimiinta ay noqdaan sidooda oo kale, ayna noqdaan kuwo Gaallo ah,
taasi ayaa wuxuu sheegay inaysan ahayn wax ay aqbali karaan dadka
Muslimiinta ah.
Dagaalada culus ee ay kula jiraan Dowladda Soomaaliya iyo dhinacyada
kale ee taageeraayay ayaa wuxuu sheegay in’aan marna istaagi doonin,
ilaa Dowlad Islaami ah laga helo, waxaana uu xusay in si loo gaaro
hadafkooda inuu yahay in Gaalo oo idil ay l- coloobaan
Amirika Xarakada Al Shabaab Sheekh Mukhtaar C/Raxmaan “Abuu Zubeyr” ayaa
wuxuu sheegay inaysan Gaallada ku guuleysan doonin qorshaha ay ku
doonayaan inay ku dilaan Masuuliyiinta Xarakada Al Shabaab, oo ay
sheegeen inay ku bixin doonaan 33 milyan oo dollar, cidii soo sheegtaa.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>