Xaflad
si heer sare loosoo agaasimay oo lagu soo dhaweynayo musharaxa Dr.
C/raxman Maxamed Cabdulahi Baadiyow ayaa waxa ay maanta ka dhacay
magaalada Nairobi ee wadanka Kenya.
Aqoonyahano,
Saraakiil, Haween, Dhalinyaro iyo waliba Xildhibaano ka tirsan
baarlamaanka DKMG Somalia ayaa kusugnaa goobta ay ka dhaceysay xaflada
ayadoona dhamaantooda ay aad usoo dhaweeyeen xiligaan in uu isku soo
sharxo xilka madaxtinimo Dr. Baadiyow. Xubno ka tirsan baarlamaanka oo
goobta ka hadlay ayaa si kooban uga hadlay maraxiisha uu soo maray Dr.
Baadiyow ayadoona Baadiyow uu ahaa wixii ka danbeeyay burburkii wadanka
mid aan lagu tirin dadkii danbiyada ka geystay wadanka.
Xildhibaan
Cawid Casharo oo ka mid ah xubnaha Baarlamaanka KMG Somalia oo halkaasi
ka hadlay ayaa sheegay in uu ku boorinayo musharaxa in hadii uu ku
guuleysto xilkaasi ay sugayaan caqabado badan oo wadanka ka taagan waxa
uuna ilaahay uga baryay in uu u fududeeyo xilkaasi.
Cali Mahadi Maxamed oo ahaa madaxweynihii hore ee Somalia
ayaa ka mid ahaa masuuliyiintii halkaasi soo gaarayay waxa uuna sheegay
in aqoon hoose uu u leeyahay Dr. Baadiyow ayna mudo dheer is yaqaaniin
waxa uuna ku amaanay maamul wanaag iyo wadanimo xiligaan ka muuqato Dr.
Baadiyow.
Masuuliyiin
fara badan oo goobta ka hadashay ayaa isku waafaqay in xiligaan Dr.
Baadiyow uu yahay mid wax ka qaban kara dhibaatooyinka dhanka
siyaasadeed iyo waliba mida dhaqaalaba ee wadanka uu la ciirciiraya
ayagoona ilaahay uga baryay in uu u fududeeyo xilkaasi hadii uu ku
guuleysto, dhamaan dadkii goobta isugu yimid ayaa mar qura u istaagay
markii lagu soo dhaweeyay Dr. Baadiyow mikirifoonka ayadoo oo aad moodo
in dhamaan dadkii halkaasi isugu yimid ay aqoon gaar ah u laayeen Dr.
Baadiyow.
Dr.
C/raxman Cabdulaahi Baadiyow ayaa la hadlayay dadkii halkaasi isugu
yimid isagoona ku amaanay sida quruxda badan ay u muujiyeen in ay
siiyaan codkooda si uu ugu guuleysto xiligaan in uu madaxweyne ka noqdo
wadanka oo u muuqanayo midkasii baxay marxalado badan oo uu soo maray.
Baadiyow
ayaa u balanqaaday shacabka Soomaaliyeed hadii ay doortaan in uu wax ka
qaban doono meelaha ay ka liitaan shacabka Soomaliyeed haba ugu
horeysee dhanka siyaasada, amaanka iyo waliba dhanka dhaqaalaha oo uu
sheegay in wax badan uu aqoon u leeyahay waxa uuna sidoo kale shaaca ka
qaaday in uu dalka dib ugu soo celin doono dhamaan saraakiishii hore ee
wadanka si ay wax badan uga qabtaan dhanka amaanka oo Soomaaliya aadka
loogu xasuusto xiliyo hore dhanka amaanka sida ay ka aheyd.
Dr.Baadiyow
ayaa mar qura waxaa indhihiisa lagu arkay Oohin isagoona aad uga
damqaday xaalada Soomaalida ku nool wadamada qurbaha iyo waliba sida
loola dhaqmo caruurta isagoona sheeagay in uu dhisi doono goob lagula
xisaabtamo siyaasiyiinta Soomaalida taa oo dadkii goobta soo wada
buuxiyay aad ula dhaceen waxa uuna sidoo kale sheegay in uu sameyn doono
laan si toos ah ila shaqeyso dadka qurba joogta iyo waliba kuwa ku nool
gudaha si ay isugu xirmaan.
“
been idiin sheegi maayo, ma idin qiyaani doono, ma idiin kala eexan
doono” ayuu yiri Dr. Baadiyow oo xiligaasi ilmada ay ka socotay,
Baadiyow waxa uu dhashay 1954 isagoona ku dhashay degmada Ceeldheer ee
gobolka Galgaduud, waxa uuna ka mid ahaa Somali National Army 1971-1986
xiligaasi oo aad loogu xasuusto waxa uu qabtay. 1981-1983 waxa uu ahaa
Assistant lecturer Jaamacada Somali National University. DR. Baadiyow
ayaa aqoontiisa ku dhameystay wadanka Mareekanka halkaasi uu kusii
sugnaa xiligii burburka uu dhacay waxa uuna ka mid ahaa Soomaalida qurba
joogta in muda ah isagoona markii danbe gudaha ka guliyay dhaqdhaqaayo
badan oo dadka wax loogu qabanayo oo ay dadka reer Muqdisho gaar ahaa ay
xasuustaan.
Mohamed Ibrahim Ayaanle
+254-7-28862688
Nairobi – Kenya