Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa ka dayriyey Maamulka Goboleedka shirkii Taleex ee beelaha Dhulbahante uga socday deegaankaasi shalay lagaga dhawaaqay, kaas oo uu ku tilmaamay inuu colaad iyo qalalaase uu u horseedayo mandaqada, waxaanu xukuumada ugu baaqay inay talaabo cad oo ciidan ka qaadato arintaasi.
Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa sidoo kale Shacabka reer Somaliland ee ku dhaqan gobolka Awdal u soo jeediyey inay sameeyaan isku soo baxyo ay kaga soo horjeedaan qaar kam id ah qurbajoogooda Somaliland diidka ah ee maalintii shalay ka dagay Muqdisho, kuwaas oo uu sheegay inay fidmo iyo Somaliweyn aan jirin ay wadaan.
Suldaanka ayaa intaasi ku daray in Maamulka Taleex lagaga dhawaaqay ay ku timid Cadho ay xukuumadihii hore ee Somailand ay ka tirsanayeen Beesha Dhulbahante, ilaa hadana aan waxba laga qaban, balse xaaladani ay tahay mid aan loo fadhiyin loona dul qaadan Karin.
Suldaan Maxamed waxa uu sidaasi ku sheegay Waraysi khaas ah oo uu xalay khadka telefoonka ku siiyey Wargeyska Haatuf, isagoo sidoo kalena ku taliyey in shacabka Somaliland ay u guntadaan sidii qaranimada loo difaaci lahaana ee loo wajihi lahaa xaalada ka soo cusboonaaday darifyada Somaliland.
Ugu horayna isaga oo ka hadlaya Maamul Goboleedka lagaga dhawaaqay shirkii Taleex ee beelaha Dhulbahante ayaa waxa uu yidhi “Maan filayn arintaa Taleex ka soo baxday, runtii waxa weeyi inagu hadaynu nahay Somaliland waynu isku daynay inaynu ergo iyo gogol nabadeed fidino, hadana si ay noqotay ba waynu arkaynay wixii dhacay, laakiin Soomaaliduna waxa ay tidhaahdaa caano daatay dabadeed la qabay in shir dambe la isugu yimaado oo gogoshii nabada ee la soo ajiibay ayaan ogaa anigu xukuumaduna ay la socotay.
Waxaa lagu dhawaaqayna kolay waa cadho ka kacday uun quudhisigii hore ee xukuumadii hore ee Mujaahid Axmed ka horeeyey ee loo geystay, laakiin anigu waxaan qabaa dadka Laascaanood degan maxaa Caasimadii Sool Laascaanood bay ahayde shirka loogu qaban waayey waa cabsi uun, laakiin xukuumadu shirkaasi qodobada ka soo baxay iyo wiixii go’aamo ka soo baxa barito ha soo shaacbaxaan (Maanta).
Xuduudii Ingiriiska ee Somaliland lahayd in cidii ka baxaysaa dhul ka raacayo, shakhsiyaad waa laga yaabaa inay Koonfur iska jecel yihiin oo ay qabtaan meeshaasi, dawladda Federaalka ay ku biiraan, iyadeediibaa maanta dhibteedii iyo arimaheediiba ay taagan yihiin, markaa anuu waxa aan odhan lahaa yaanay nin meel ka tagay oo meel madhan tagay ayay aniga iigu muuqataa.
Waad ogtahayoo Xamar nabadbaa ka dhacday baa la yidhi maalin walbana ragbaa lagu laynayaa dadbaa lagu laynayaa, waxaan ku talin lahaa tii la imariyey hadaan cid la marinayn inaynu dee kolay siddii aynu waxan u burburin lahayn uun taladeeda la qabto oo talaabo cad oo ciidan oo lagu xoojinayo goobahaa la sheegay oo maanta la soo celiyo cid kasta oo ciidanka ahaan jirtay iyo jabhadii dib loo soo hubeeyo, waayo marxalad adag baa halkaa inaga soo waajahday waxaan leeyahay Hal naaskeed ninkii gaadhaa in aan qorigiisa laga waayin.
Sidoo kale Suldaan Maxamed Mar uu ka hadlayey qaar ka mid ah Qurbajooga gobolka Awdal oo maalintii shalay ka dagay magaalada Muqdisho, kuwaas oo uu sheegay inay doonayaan inay fidmo dalka ka abuuraan ayaa waxa uu yidhi “Ninka qurbajooga ah ee Afkaar kale xambaarsan ayuunbaa arinkaasi ku dhiiran kara, reer Awdalna waxa aan leeyahay magaciina in cambaar la saaro ama reer Selel waxa ay dhagxumo ku tahay wax aanad la qabin oo qof dheg xumo inta uu iska samaysto uu ka hadlayo oo uu leeyahay sidaasi ayaanu ku gaadhnay in saddexda degmo oo uu leeyahay sidaasaanu talo ku goosanay waxaan jecelahay in arinkaasi sidii aad u cambaarayn lahaydeen ee ay uga hor iman lahaydeen in shaaca ka qaadaan.
Ta kale cidii ka go’aysa Somaliland ee doonaysa inay ka goosato iyo shakhsiyaadka doonaya inay ka go’aan cidina qasbi mayso, laakiin in aan dal sidaa ku raacayn oo aanu Federaal ku tagayn oon Koonfur tagayn ha ogaadaan, waayo anaga tii na soo martay cid waliba way xusuusan tahay runtii aadna waanu uga damqanaynaa”.
Suldaan Maxamed oo aanu waydiinay xidhiidhka ka dhaxayn kara Maamulka lagaga dhawaaqay Taleex iyo Raga uu sheegay inay Muqdisho ka dageen ee qurbajooga Awdal uu ku tilmaamay ayaa waxa uu yidhi “Dee ma joogno barigii 1964-kii ee la isku odhan jiray USB maanta maaha wakhti casriya ayaynu maraynaa markaa anuu isuma nisbayn karo waa arin haddii ay dhacdayna qurbaha inagaga timid, dadkaasi qurbuhuna inta ay shiraan ayay waxa ay ku shiraan isula tagaan sidii loo soo celin lahaa arintii ahayd USB-da ee ka dhaxaysay beelaha Samaroon iyo beelaha Dhulbahante, laakiin anuu ma qabo dadka reer Somalialnd inay la qabaan fikirkaasi wax dhibaato ahna ma keeni karto taasi.
Dadka Gobolka Awdalna waxa aan ugu baaqayaa in ay midnimadooda iyo Somaliland Nimadooda ku muujiyaan Mudaharaadyo iyo Media-ha labadaba sida ay uga soo horjeedaan waxaa lagu dhawaaqay ee ninkaasi Muqdisho tagay uu wado
Source-Haatuf
↧
Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir Oo Ka Dayriyey Maamulka Goboleedka Taleex Lagaga Dhawaaqay, Shacabka Awdalna Ugu Baaqay Isku Soo Bax Ay Kaga Soo Horjeedaan Qurba Joogooda Somaliland Diidka Ah
↧