Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Banaanbax Lagu Taageersan Yahay Maamulka Cusub Ee Lagaga Dhawaaqay Shirka Talleex Oo Ka Dhacay Magaaladda Buuhoodle

$
0
0

susoobaxan ayaa dadbadani ka hadleen waxaana dhamaan dadkii halkaasi ka hadlay siweyn u bogaadiyeen go’aamadii shirka Khaatumo2. Daawo Sawiradda
Buuhoodle (GNS) Dabaal deg aad u balaadhan oo ay soo abaabuleen qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn ayaa maanta lagu qabtay Buuhoodle.
Banaanbaxani oo ay kasoo qayb galeen boqolaal qof oo isugu jira, waxgarad, haween, dhalinyaro, aqoon yahano, iyo inta ay ka kooban tahay bulshada rayidka ah ayaa siweyn loogu taageerayey shirweynaha Khaatumo2 ee ka soconaya degmada Taleex & go’aamadii shalay laga soo saaray.
Isusoobaxan ayaa dadbadani ka hadleen waxaana dhamaan dadkii halkaasi ka hadlay siweyn u bogaadiyeen go’aamadii shirka Khaatumo2, madasha ayaa lagusoo bandhigay, gabayo,heeso, buraanburo, iyo qaybaha suugaanta oo lagu taageerayey shirka Khaatumo2. 
Dhinaca kale waxaa dadka banaanbaxa dhigayey la hadlay Maxamuud Sh Cumar Xasan oo hore u ahaa masuul maamula Puntland u ahaa gudoomiye kuxigeenka gobolka Cayn,
Maxamuud Sh Cumar wuxuu dadweynihii banaanbaxayey ka hor sheegay inuu iska casiley xilkii uu ka hayey maamulka Puntland, Waxana uu usoo jeediyay dadweynihii isku soo baxay in la taageero maamulka Cusub ee uu yeelanayo deeganaadaasi.
Maxamed Sheekh Cumar, waxa uu fariin dheer u direy ciidamadda aaminsan Maamulka Soomaaliyeed ee Puntland eek u sugan Deegaanka Buuhoodlle waxa uu sheegay in loo baahan yahay in ay taageeraan maamulkan Cusub, waxana uu yidhi ”dhamaan ciidamada gobolka Cayn u joogey Puntland, ha ahaadeen Bilays, ha noqdaan daraawiishta, iyo dhamaan shaqalaha rayidka ah ee hore uga tirsanaa Puntland waxaan u sheegayaa inay ka amar qaataan kuna dhaqmaan go’aamada shirka Khaatumo2″ waxana uu intaas ku sii darey “anigu inta maamul loosoo magacaabayo deegaanka waxaan ahay qof shacab ah oo bulshada kamid ah” .
Si kastaba ha ahaatee banaanbaxa ay maanta dhigeen bulsha weynta ku dhaqan magaalada Buuhoodle ayaa siweyn loogu taageeray shirka Khaatumo 2










Source-Gebileynet


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>