Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Imaraadka oo balan qaaday lacago lagula dagaalamo burcad badeeda somalida

$
0
0

Dowladda Isku taga Imaaraadka Carabta ayaa ugu deeqday dowladda KMG Soomaaliya lacag gaareysa 1-milyan oo doolarka Maraykanka ah, taasi oo ay kaga goleedahay in lagu dar-dar galiyo la dagaalanka burcad badeeda Soomaalida, islamarkaaana kor loogu qaado tayeynta ciidamada Badda Soomaaliya. 
Sheekh C/llahi Bin Zayid Alnahyan oo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Imaaradka Carabata oo ka hadlayay deeqdaasi la cageed ee Soomaaliya la siiyay ayaa sheegay in qatarta burcad badeeda ay sameyn ku leedahay dhamaan aduunka sidaasi darteedna loo baahanyahay in laga hortago. 
Dhinaca kale Axmed Bin Saliim oo ka tirsan saraakiisha ciidanka Badda Imaaraadka oo isna ka hadlay kulankii looga hadalayay buracad badeeda ee ka dhacay Magaalada Dubai ayaa waxa uu halkaasi ka sheegay in burcad badeeda ay haatan u afduubanyihiin maraakiib badan iyo la heystaal gaaraya ilaa iyo 200-qof, kuwaasi oo loo baahanyahay in laga shaqeeyo sidii looga soo furan lahaa kooxahaasi. 
Burcad badeeda Soomaalida ayaa la sheegay in sanadkan weeraradoodu ay hoos u dhaceen 28% marka loo eego sanadkii 2011-kii oo in ka badan boqo weerar ay ku qaadeen Maraakiibta istic maasha xeebaha Soomaaliya iyo biyaha Caalamiga ah.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>