Maamulka gobolka Sh/dhexe ee dowladda KMG Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay qarax iyo dagaalo ka dhacay Magaalada Balcad iyo Tuulooyin hoostaga.
Guddomiyaha gobolka Sh/dhexe ee dowladda KMG Soomaaliya Cabdi Jiinoow Calasow oo la hadlay Shabakada Warabaahinta Shabelle ayaa waxa uu faah faahin dheeraad ah ka bixiyay qarax miino oo lala eegtay ciidamada dowladda ee ku sugan degmada Balcad iyo iska hor imaadyo kala duwan oo ciidamada dowladda iyo Al Shabaab ku dhaxmaray deegaano hoostaga degamadaasi.
Cabdi Jiinoow Calasow ayaa waxaa uu sheeagay in shalay gelinkii danbe ay Ururka Al Shabaab qarax miino la eegteen Ciidamada dowladda ee ku sgan degamada Balacad ee gobolka Sh/dhexe, hase ahaatee wax qaasaro ah uu san u geysan ciidamada dowladda sida uu hadalka u dhigay, laakiin dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in uu jiro dhimasho iyo dhaawac soo gaaray ciidamada dowladda ee qaraxa lala eegtay.
Guddomiyaha gobolka Sh/dhexe ayaa sidoo kale ka hadlay iska hor imaadyo kala duwan oo ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo Xarakada Al Shabaab ku dhaxmaray, Hareeri-Caadle iyo Garas-Bintoow oo ah Tuulooyin hoostaga degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe, waxaana uu sheegay in dagaaladaasi ay ku dileen 4-dagaal yahan oo ka tirsanaa Ururka Al Shabaab.
Cabdi Jiinoow Calasow Guddomiyaha gobolka Sh/dhexe ee dowladda KMG Soomaaliya ayaa tibaaxay in goobihii laga saaray Ururka Al Shabaab ee degmada Balacad aan baaritaano buuxa lagu sameeyn sida uu hadalka u dhigay.
Dhawaan ayay aheyd markii ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ee kusgan degamada Balcad ee gobolka Sh/dhexe ay sheegeen in ay ka hortageen qaraxyo Al Shabaab ay ku aaseen guriyo ku yaala degamadaasi.
↧
Qarax iyo dagaalo ka dhacay Sh/dhexe oo dowlada oo ka warbixisay
↧