Dhooblay: (SONNA) Wararka ka imaanaya degmada Dhooblay ee gobolka Jubbada hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa Kenya ay ku guuleysteen inay gacanta ku dhigaan 4-ruux oo Ajinabi ah oo maalmo ka hor laga soo afduubay Xerada Dha-dhaab ee dalka Kenya.
Ciidamada Kenya iyo kuwa Dowladda ayaa xalay sameeyay howlgallo xooggan oo ka dhacay Magaalada Dhooblay, waxaana Ciidamada usuuro gashay inay gacanta ku dhigaan dadkii Ajinabiga ahaa oo la afduubtay xilli ay ku sugnaayeen Dhooblay.
Shaqaalaha Samafalka ah ayaa lasoo saaray gawaarida ay leeyihiin Ciidamada Kenya, waxaana ay kor u taagayeen gacmaha iyagoo muujinaya xornimo.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda KMG ah ayaa sheegay in laga hortagayo cid waliba oo isku dayda inay dhibaato ka gaysato gudaha Kenya iyo Soomaaliya.
Lama oga halka ay ku dambeeyaan Kooxihii afduubtay shaqaalahaasi Samafal, inkastoo ay la sheegay inay ku fashilmeen afduubkaasi.
↧
Ciidamada Kenya iyo kuwa DKMG oo soo furtay samafayaal la afduubtay
↧