Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Xiisad Ka Taagan Deeganka Domco Ee Dhulka Soomaalida Itoobiya

$
0
0

Kaddib markii lagu guul dareestay colaad ka-dhextaagneyd labo maleeshiya beeleed oo toddobaadkii hore ku dagaalamay deegaanka Domco oo 90-km dhinaca galbeed kaga beegan magaalada Laascaanood, ayaa wararkii ugu dambeeyay waxa ay soo sheegayaan in laga cabsi qabo in dagaalo kale ay halkaas ka dhacaan.

Burburka ku yimid wadahadallada labada beelood laga dhex-waday ayaa loo sababeeyay kaddib markii iska horimaad hor leh uu labada maleeshiyo beeleed ku dhexmaray shalay deegankaas, kaasoo sababay in ay dhintaan laba qof, afar kalana ay dhaawacmaan.
Sida ay sheegayaan oday-dhaqameedyo ku howlanaa maalmahan dhex-dhexaadinta labadaas dhinac, ayaa hadda markale laga cabsi qabaa in uu dagaalo dhemaro maleeshiyaadka isku heesta deegankaas oo ka tirsan dhulka Soomaali Galbeed ee ay heysato Ethiopia.
Maxamud Warsame Cali “Sablaale” oo ka tirsan guddiga howlaha nabadeynta ka dhexwaday labada maleeshiyo beeleed ayaa u sheegay saxaafadda in dhammaan xubnaha guddiga ay ka baxeen deegaanka Domco markii ay naftooda u baqeen in la beegsado.
“Waxa aan ka cabsi qabnaa in lagu kor dagaalamo korkeeno, oo halkaas ay na soo gaarto waxyeelo dhimasho iyo dhaawac ah sidaas dardeed waxa aan go’aansanay in dhamaan xubnaha guddiga ay ka baxaan deegaanka Domco markii aan u baqnay naftooda” ayuu yiri Maxamud Warsame Cali oo ka mid ahaa wax-garad ku howlanaa in la damiyo xiisada ka taagan deeganka.
Wararkii ugu dambeeyay waxa ay sheegayaan inay jiraan isu ciidansi ay wadaan labadda beelood ee degaankaasi colaadu ku dhex martay
Ciidamo ka socda maamulka Kililka Shanaad iyo kuwo Maamulka Khaatumo iyo odayaal ku sugnaa magaalaas ayaa hadda umuuqda kuwa aan waxbo ka qaban karin xiisada ka taagan Domco.
Magaalada Domco waxa ay dhinaca Koonfur Galbeed kaga beegan tahay magaalada Laascaanood ee gobalka Sool, Dagaalkii ka dhacay Domco ayaa galaaftay dhimaashada tobaneeyo ruux iyo dhaawac 30 ka badan.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>