Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Dowladda Soomaliya oo sheegtay innaan wax hub ah lala dhexmari karin Magaalada Muqdisho

$
0
0

Wasiirka arrimaha gudaha dowladda KMG Soomaaliya C/samad Macalin Maxamuud ayaa sheegay shalay oo Axad aheyd in hay’adaha iyo shirkaha aan diiwaan-gashanayn aysan ka shaqeyn karin gudaha dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqisho iyo gobolada dalka, sidoo kalena wuxuu ka digay in magaalada Muqdisho lagu qaato hub aan sharci loo heysan.
C/samad Macallin ayaa hadalkan ka sheegay kulan ay Muqdisho ku yeesheen guddiga ammaanka Qaranka oo uu xubin ka yahay, ayaa waxa uu intaasi  ku daray inaan loo dulqaadan doonin dadka ugaarsanaya suxufiyiinta soomaaliyeed.
“Hay’adaha maxaliga ah iyo shirkadaha ka howlgala Muqdisho waa inay is-diiwaan-geliyaan, hay’addii ama shirkaddii aan sharci laheyn kama howlgaleyso Soomaaliya” ayuu yiri wasiirka oo intaas ku daray in hay’adaha iyo shirkaduhu ay fursad u haystaan inay is-diiwaan-geliyaan hadda laakiin haddii waqtiga ka dhamaado aan loo ogolaan doonin inay ka shaqeeyaan Soomaaliya.
“Dadka hubka ku wata gudaha magaalada Muqdisho waxaan u sheegaynaa inaan la ogolaan doonin cid aan sharci u heysan inay hub wadato magaalada dhexdeed, ciddii lagu helo iyadoo hub aan sharci ahayn wadata waxaa loo arkayaa inay nabadda lid ku tahay” ayuu wasiirku hadalkiisa ku daray.
Ugu dambeyn wasiirka arrimaha gudaha ayaa sheegay in howgalada ka socda Muqdisho ay yihiin kuwo lagu adkeynayo ammaanka, wuxuuna sheegay inay socon doonaan inta ammaanka caasimadda oo dhan uu ka noqonayo mid hagaagsan.
Amarkan ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha dowladda KMG ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo magaalada Muqdisho ay ka dhacaan tacdiyo ay geysanayaan rag ku lebisan dharka ciidamada, isla markaasna wata hubka noocyadiisa kala duwan, kuwaas oo ay caado u noqotay in lagu arko meel kasta oo ka tirsan magaalada Muqdisho, waxaana xusid mudan in mararka qaar ciidamadaasi hubeysan uu dagaal dhexmaro, taas oo ay waxyeelo badan ka soo gaarto dadka shacabka ah.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>