Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Safaarad badalkeed, Britain oo saldhig ciidan ka furatay Xamar

$
0
0

Kn: Iyada oo ay dad badan ka wardhoowrayeen in dowladda Britain ay safaarad ka furan doonto Soomaaliya ayaa waxaa talabaadaasi ay Britain ku badashay in ay saldhig ciidamo ka furato Xamar.
Wasaaradda arrimaha dibada iyo barwaaqo-sooranka Britain ayaa xaqiijisey in ciidamo ay ka joogaan Soomaaliya, kuwaasoo doorkoodu lagu sheegey latalin iyo garabsiinta ciidamada AMISOM dhanka isgaarsiinta, qorsheynta iyo tabobarka.
Ciidamadani ayaa shalay lagu arkay iyaga oo ku sugan Afgooye, halkaasi oo la sheegey in ay dadka dhexgaleen.
Britain ayaa u magacoowdey safiir Soomaaliya, balse sababo amaan dartood ayaanan wali loo furin safaaradda, waloow warar horey bogani ugu soo baxay lagu sheegey in dhul safaaradda laga dhiso laga iibiyey garoonka agtiisa. Lama oga in ciidamadani ay waardiyeyn doonaan safaaradda marka la furo.
Tirada ciidamadani ayaa lagu sheegey in ay yihiin toboneeyo, waxaanan la ogeyn inta ay noqon doonaan mustaqbalka iyo doorkooda rasmiga ah.
KismaayoNews.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>