Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Dastuurka cusub oo mabnuucaya gudniinka fircooniga ah

$
0
0

Kn: Dastuurka cusub ee haatan loo fadhiyo ansixintiisa ayaa qodob ka mid ah waxa uu dhigayaa in ay mabnuuc tahay in gabdhaha loo nidaamka fircooniga ah.
Nidaamkani oo culumada diinta Islaamka ay sheegeen in aysan diinta qabin, islamarkaasina dhibaatooyin caafimaad oo waaweyn ay ka dhaxleen dumarka sida in ay dhibaato ku noqoto foosha, islamarkaasina ay gabdhaha haleelaan cuduro sida caabuqa xubinta taranka ku dhaca iyo waliba dhibaatooyin xagga galmada lamaanaha.
Qodob kale oo dastuurka ku jira oo dumarka quseeya ayaa ah in dastuurka uu ogolyahay in dumarka carruurta laga soo xaaqi karo haddii ay noqoto in la badbaadiyo mid ka mid ah labada naf.
Sida ay noo sheegeen dad kala duwan, qodobkani dambe ayaa waxaa saameyn ku yeeshey dhacdo sanooyin ka hor Xamar ka dhacday taasoo dhaqtar Isbitaalka SOS ka hawlgala loo qabsaday, islamarkaasina laga magtay ilmo uu kasoo xaaqay haweeneey ay noqotey in nafteeda la badbaadiyo.
KismaayoNews.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>