Muqdisho: (Sh. M. Network) Maamulka degmada Huriwaa ee Dowladda KMG Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in Ciidamo ka tirsan Dowladda KMG ay dhibaato ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha degmada Huriwaa ee Maamulka gobolka Banaadir Cumar Jacfaan oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in Ciidamada Dowladda KMG Soomaaliya ay falal ammaan darri ka wadaan gudaha degmadaasi islamarkanaa shacabka ku dhaqan gudaha degmadaasi ay dhibaatooyin u gaystaan.
Guddoomiyaha ayaa xaqiijiyay in Ciidamo ka tirsan Dowladda ay dhac iyo kufsi ka gaysteen degmada uu ka arramiyo, isagoo intaasi ku daray in Maamulka marna uusan raali ka noqon doonin arrintaasi.
Jacfaan ayaa ugu baaqay Ciidamada gaysanaya dhibaatada kuwooda waxgaradka ah inay ka waan toobaan dhibaatooyinka ay gaysanayaan, isagoo sidoo kale Madaxda Dowladda ugu baaqay inay wax ka qabtaan dhibaatooyinka kusoo kordhay gudaha degmadaaasi.
Shalay ayay aheyd markii boqolaal ruux ay isugu soo baxeen gudaha degmada Huriwaa kuwaasi oo dhigayay banaanbaxyo ka dhan ah Kooxo ku labisan dareeska Ciidamada Dowladda KMG Soomaaliya.
↧
Ciidamada DKMG oo lagu eedeeyay dhibaatooyinka degmada Huriwaa
↧