Muqdisho: (Sh. M. Network) Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ee Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigtay ammaanka Magaalada Muqdisho.
Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ee Xukuumadda KMG Soomaaliya C/samad Macalin Max’ud oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in heeggan galliyeen Ciidamada Dowladda KMG ah gaar ahaan Ciidanka Nabad sugidda oo loo qeybiyay qaar fulliya howlgallada iyo kuwa soo ururriyo xogta dadka falalka ammaan darri ka wada Magaalada Muqdisho.
C/samad Macalin Max’ud ayaa waxa uu intaasi ku daray in qaraxii maalintii shalay ay fashiliyeen uu Sawir u yahay sida ay Dowladda KMG ah ugu guuleysatay ammaanka Magaalada Muqdisho.
Hadalka Wasiirka ayaa waxa uu kusoo aadayaa xilli maalintii shalay Ciidamada dowladda KMG ah Soomaaliya ee illaalada ka hayay Xarunta Jeneral Kaahiye ay fashiliyeen labo ruux oo isku xiray walxaha qarxa oo doonayay inay isku qarxiyaan Xaruntaaasi oo uu ka socday shirka Golaha Ansixinta Dastuurka.
↧
Xukuumadda oo sheegtay in la xaqiijiyay ammaanka Muqdisho
↧