Nairobi: (Sh. M. Network) Qaramada Midoobay iyo Ururka Midowga ayaa si wadajir ah ugu baaqay dowladda in wax laga qabto dilalaka qorsheysan ee ka dhaca dalka Soomaaliya.
Bayaan si wadajir ah ugu soo baxay Qaramada Midoobay iyo Ururka Midowga Afrika ayaa si kulul loogu cambaareeyay falalka dilalka qorsheysan ah ee ka dhaca dalka Soomaaliya.
Bayaanka ayaa lagu sheegay in labadii bil ee ugu dambeysay ay si aad ah u kordheysay dilalka qorsheysan ee loo gaysanayo Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda KMG Soomaaliya iyo Saxifiyiinta, iyadoo Dowladda KMG Soomaaliya loogu baaqay in si deg deg ah ay wax ugu qabtay arrimahaasi.
Sidoo kale Bayaanka ayaa lagu xusay in dilalka soo noq noqday intooda badan ay dhacayeen seddeedda sano ee lagu guda jiray xilliga Kumeel-gaarka ah.
Ugu dambeyn Bayaanka ayaa lagu sheegay in gacan Dowladda gacan lagu siin doono wax ka qabashada arrimahaasi, loona baahan yahay in Dowladda ay isku hoosho soo qabashada kooxaha caadeystay dilalka abaabulin ee ka dhacay dalka Soomaaliya.
↧
QM iyo Midowga Afrika oo ku baaqay in la joojiyo dilalka ka dhaca Muqdisho
↧