Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Qoysas dalbanaya gar-gaar, Muqdisho

$
0
0

Muqdisho: (Sh. M. Network)  Qoysaskaani barakacayaasha ah ee ku dhibaataysan Kaamam ku yaalla Xaafadda Towfiiq degmada Yaaqshid ee gobolka Banaadir ayaa Dowladda KMG Soomaaliya iyo Hay’adaha gar-gaarka waxa ay ka dalbadeen in la gaarsiiyo Kaalmooyin bini’aadannimo oo deg deg ah.
Nuuriyo Hilowle Xasan oo ah Haweenay da’ah, kana mid ah barakacayaasha ku il daran Kaamamka ku yaalla Xaafadda Towfiiq ee degmada Yaaqshid oo la hadashay Idaacadda Shabelle ayaa waxa ay sheegtay in Xaaladooda nololeed ay haatan liidato.
Haweenaydaani ayaa waxa ay ka codsaday Hay’adaha gar-gaarka iyo dowladda inay caawiyaan, maadaama muddo hal sano ah aysan arkin gar-gaar kaga yimaada Dowladda KMG ah iyo Hay’adaha samafalka ah.
Inta badan Qoysaska ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay ka cawdaan xaalado nolol xumo oo soo wajahay, iyadoo ay xusid mudan tahay in dadkaasi mar waliba ay u baahan yihiin gar-gaar bini’aadannimo.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>