Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa geerida Raysal wasaarihii Itoobiya Males Zanawi, ku tilmaamay Hoggaamiye weyn oo ka baxay dalalka Mandaqada geeska iyo Afrika guud ahaanba, waxanuu sheegay inay aad Somaliland isugu wanaagsanaayeen.
Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo maanta la hadlay Idaacadda BBC-da ayaa wax uu ka tacsiyeeyey dhamaan geeska Afrika, waxaanuu Itoobiya ugu duceeyey inuu Ilaahay ugu bedelo hogaamiye khayr qaba
Madaxweynaha Somaliland isaga oo arimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Wuxuu ahaa Hoggaamiye aad u qiimo badan oo aad iyo aad u ilaaliya nabad-gelyadda mandaqada Geeska Afrika. Geeridaasi waa mid naxdin leh, waxaanu uga tacsiyaydeynaynaa dadweynaha Geeska Afrika iyo Afrika caam ahaanba. Aad iyo aad ayaanu uga tacsiyadeynaynaa, Itoobiya aad iyo aad ayay iskugu wanaagsanaayeen Somaliland illaa xiligii halganka, Itoobiya waa dalka ugu balaadhan Geeska Afrika.
Madaxweynaha Somaliland oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaas ku daray “Somaliland iyo Dalkeeda mar walba waxay ahaayeen Itoobiya waxay ahaayeen labada dal oo mar walba wax iskaga xidhnaayeen. Mar walba wada shaqaynta Nabadgelyada, Ganacsiga iyo xagga horumarka way isku xidhnaayeen Somaliland iyo Itoobiya, Waana laba dal oo aan marnaba sina u kala maarmaynin, Waanu ka xun nahay geeridda Males Zanawi, waanan ka tacsiyadeynaynaa Itoobiya, waanan balan qaadaynaa inaanu xidhiidhkii wanaagsanaa ee labada dal ka dhaxeeyay inuu sidiisii u sii socon doono”
Hargeysa Office
↧
Madaxweyne Axmed Siillaanyo oo ka hadlay shaqsiyadii Malez Zenawi ahaa
↧