Dhimasahada Males Zenawi waxay furtay taariikh cusub dhinaca
hogaaminta siyaasada dalka Ethiopia, waa markii kowaad oo uu hogaanka u
qabto nin aan dhalasho ahaan ka soo jeedin labada qoomiyadood ee
Axmarada iyo Tegrai, gaar ahaan 200 sano ee u dambaysay.
Inkasta oo aan la sadaalin karin mudada uu sii hayn doono jagada
wasiirka kowad ee hada loo dhiibay, Haile Marian Deselenge, hore wuxuu u
ahaa ku-xigeenka Males iyo waliba wasiirka arimaha dibada Ethiopia.
Mr Desalenge wuxuu ku dhasahay Degmada Boloso Sore ee degaanka
Wolaita, halkaas oo uu ku nolaan jiray, waxrashadiisa inteeda badanna ku
soo qatay. Sanadkii 1988 waxa uu jaamicadda Addis Abeba ka qaatay
shaadadiisa kowaad oo Engineering uu ku sameeyay, ka dibna wuxu tagay
jamicadda Tempere University of Technology ee dalka Finland, halkaasi
oo uu ka qaatay shahadadii labaad ama Master degree.
Markii uu Ethiopia dib ugu soo noqday waxa uu gudoomiye ama Dean ka
noqday machadka loo yaqaano Water Technologu institute oo lagu barto
cilmiga biyaha, 13 sano mudo gaadhaysa ayuuna halkaasi ka shaqeeyay.
Jagooyinkii ugu dambeeyay ee uu hada hayay ee ku -xigeenka wasiirka
kowad iyo wasiirka arimaha Dibada waxa loo magacabay sanadkii 2010
isagoo markaa kala wareegay ninki ila o dhan jiray Seyoum Mesfin oo
isagu xilkaa hayay mudo 19 sano ka badan.
Marka loo eego qomiyad ahaan Mr Haile M. Desalenge waxa u kaga duwan
yahay hogaamiyashii uga horeeyay dalka, waxa uu isagu ka soo jeedaa
qoomiyadda Wolayta oo sooc ah (iska dhal ah) kuwaas
oo u badan dhinaca koonfureed ee Ethiopia. Qawmiyadaha kale ee dalka
waxba uma galaan halka hogaamiyayaashii ka horeeyay ay u badnaayeen
kuwo qoomiyado kala duwani iska dhaleen, Tusaale ahaan Males oo isaga ka
horeeyay waxa la sheegaa inay iska dhaleen Tigray iyo Axmaro, Mangistu
laftiisu Axmaaro ayuu cad ku lahaa, Haile Salase wuxu ahaa Axmar,
Uraago wax u galeen.
Ilaa laga gaadhayo Melelik -kii labaad, hogaamiyayaashu waxay ahayeen
kuwo Axmaaro raad ku leh, waana arinta hada ahaan walwalka wayn ka
dhalan karo oo loo arki kari hadii uu ninkani mesha sii hayo in
xukunkii dalka Ethiopia uu noqonayo mid qawmiyad kaliya ku sii ururaya.
Mr Desalenge waxa uu madax ka ahaa mid kamid ah xisbiyada maqaarsaarka
ah ee aan doorka siyaasadeed lahayn, waxanu xisbigiisu ahaa SNNPR oo
inta badan laga tageero gobolada koonfureed ee uu ka soo jeedo, ka
dibna waxa laga dhigay ku xigeenka gudoomiyaha xisbiga EPRDF ee hadda
talada dalka haya.
Inakstoo aan la filaynin inuu talada dalka sii hayn doono mudo dheer si
lamid ah intii uu xilka hayay Males, hadana waxa la rumaysan yahay in
sababta kaliya ee hada xukunka dalka loogu dhiibay ay tahay arin la
xidhiidha dhanka dastuurka dalka iyo sidii uu ugu dhawaa hogaamiyii ka
horeeyay oo gacan-yare daacada u ahaa, isla markaana uu la taliye uga
ahaa dhinacyada arimaha bulshada.
Hadii aynu jaleecno siyaasad ahaan xaaladda uu dalku ku sugan yahay iyo
waxa ka dhalan kara dhimashada Meles, waxa la odhan karaa Zenawi wuxuu
ka tagay geedi-socod siyaasadeed oo uu hogaankiisa kaligii si buuxda
gacanta ugu hayay aanay adkaan doonto in la helo qof halkii ka sii
wada, waxaanay u badantahay in isbadalo siyaasi ah ay la yimaadaan cid
kasta oo talada dalka uga danbaysa taasi oo hor seedi karta khalkhal iyo
burbur ku dhaca jiritaanka Ethiopia.
Sababta uga badan waa cabashooyinka dalka ka jira ee ay sababeen cududda
iyo awoodaha loo isticmaalaya in lagu muquuniyo qaar kamid ah
qawmiyadaha dalka. Marka laga reebo qomiyada Tigrega ah cid walba wax
bay tabanaysaa , baryahan dambana waxa soo xoogaysanayay cabashooyin ka
soo baxayay dadka muslimiinta ah oo dareensanaa in si gaara loo
bar-timaameedsado, iyado loo soo marayo mashruuca caalamka ka socda ee
Argagixiso la dirirka loogu yeedho.
Todobaado ka hor waxa xabsiyada loo taxaabay hogaamiyaal magac ku lahaa
dhinaca diinta Islaamka ee dalkaasi, walina xidhan iyadoo aan wax
maxkamada la soo taagin. Meelaha dalka ka baxsan dhimasahada Meles waxa
loo arkay siyaabo kala duwan, dadka Soomaalida meel ay joogaanba
siyaasadihiisu saamayn ayay ku lahaayen, taas oo meelaha qaar samayn
toosa ahayd, waana laga dhuur sugi doona waxay ku dambeyso siyaasadaha
soo food leh.
Mohamed Nuh ( Dr,Xayd)
Hangol@live.com