Madaxwaynaha Maamul Goboleedka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid oo Maanta Shir jaraaaid Saxaafada ugu Qabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu ka hadlay Arimo dhowr ah sida Arimaha Burcad badeeda Al-Shabaab la dagaalankooda iyo hadal Xalay ka soo yeeray Madaxwaynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Faroole .
Col Cabdi Qaybdiid ayaa waxaa uu si kulul ugu horeyntii uga hadlay hadalkii ka soo baxay Faroole ee ahaa in hadii Madaxwayne uu noqdo cid aan ahayn cida ay taageerayaan ay qaadan doonaan tilaabo uu qorayo Dastuurka maamulkaasi sida sida uu yiri oo uu ula jeeday in ay ka goosan doonaan Soomalia inteeda kale .
Madaxweyne Qaybdiid ayaa waxaa uu intaa ku daray in uu uga digayo Faroole in uu Caqabad ku noqdo Hanaanka Nabadeynta Soomalia iyo dowlada la soo dhisayo uu joojiyo hadalada xiisadaha abuuri kara .
Si kastaba ha ahaatee Madaxweyne Cabdi Qaybdiid ayaa mar uu ka hadlayay dhinaca Burcad badeeda ku xoogan deegaanada uu Maamulkaasi ka arimiyo ayuu sheegay in maamulkiisu uu la dagaalamayo Burcad badeeda uuna ka cirib tirayo Deegaanada uu gacanta ku hayo in kastoo uusan meesha ka saarin in laga gacan siiyo la dagaalankooda.