Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Ciidamadda Dowladda Itoobiya oo maanta hawl-galo aan caadi ahayn ka sameeyay Magaalada Baladweyne

$
0
0

Ciidamadda Militariga ee Dowladda Itoobiya oo iyagu Al Shabaab dagaalo culus uga saaray Magaalada Baladweyne, ayaa waxay maanta ka sameeyeen hawl-galadii ugu ballaarnaa, waxayn ku soo qab qabteen rag badan.
Ciidamadda Dowladda Itoobiya ayaa waxay si gaar ah ay hawl-galadaan uga sameeyeen Xaafadda Hawl Wadaag, oo ku taalla Galbeedka Magaalada Baladweyne, waxayna ku soo qab qabteen dhalinyaro badan.
Xaafadda Hawl Wadaag ayaa waxaa habeenadii ugu soo dambeysay ku soo badanaayay falal dhac iyo dhibaato iskugu jirta, oo rag hubeysan ay kula kacayeen shacabka ku dhaqan Xaafadda Magaalada Baladweyne.
Ciidamadda Dowladda Itoobiya oo ay hawl-galadaan ku wehlinayeen Ciidamadda Dowladda Somaliya, ayaa waxay ku soo qab qabteen qiyaastii ilaa 100 nin, oo qaarkood lagu tuhmaayo inay burcad yihiin, halka qaarka kalana loo-maleynayao inay Al Shabaab ka tirsan yihiin.
Saraakiisha Maamulka Gobolka Hiiraan ee Dowladda Soomaaliya, ayaan weli ka hadlin hawl-galada maanta ay Ciidamadda Huwanta ay ka wada fuliyeen Magaalada Baladweyne ee Xaruunta Gobolka Hiiraan.
No related content found.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>