Musharax Proff Abdi Ismacil Samatar oo ka mid Musharaxiinta u taagan Xilka Madaxweynaha Somalia ayaa maanta la hadlayay Mid ka mid ah Idaacadaha Maxaliga ee ka jira Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.
Proff Samatar ayaa weerar toos ah ku qaaday Xildhibaanda Cusub asagoo ku tilmaamay kuwo caado qaatayaal noqday oo laaluush qaadanaya ayagoo hadaad la kulanto ku weydiinaya lacag aan madaxaaga galeynin ayuu yiri mar uu ka hadlayay.
“Xildhibaan walbo oo aad la kulanto ama aad weydiisato kalsoonida codkiisa waxuu ku lee yahay Adeer Lacag ma wadataa anigu codkeeyga waan iibsanayaa”
“Waxaan lee yahay Xildhibaanoow aan ka codsadee jooji waxa aad sameeyneysid eeshaqsiga aa dooraneyso ku dooro si xalaal ah” ayuu yiri Proff Samatar.
Musharaxaan oo ka mid ah Musharaxiinta dhowrka ah ee isugu soo haray Tartanka Musharaxnimo ee Madaxweynaha waxuuna si toos ah maanta u weeraray Xildhibaanda cusub ee ayago codkooda beri ku dooran doono musharaxa ay u arkaan in uu u qalmo Madaxweynaha balse Proff Samatay ayaa sheegay in Musharaxiinta qaar ay iibsanayaan Cododka Xildhibaanada.
Si kastaba ha ahaatee hadalkani Musharaxaan ayaa waxuu imaaanayaa xilli Suuqa Cododka iyo kala iibsiga uu ka soconaya Magaaalda Muqdisho waxuuna shegay in Xildhibaanada ay qaadanayaan lacag oo ay gadanayaan codkooda.
↧
Proff Samatar: “Xildhibaanada Waxaan ka Codsanaa in ay Joojiyaan Laaluushaka”..
↧