Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Madaxweynaha Galmudug Cabdi Qeybdiid oo sheegay in Faroole uu yahay Qaran dumis “Warbixin Xasaasi ah”

$
0
0

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug General Cabdi Xasan Cawaale (Cabdi Qeybdiid), ayaa wuxuu maanta weerar kulul oo afka ah uu ku qaaday Madaxweynaha Maamul Goboleed Puntland C/Raxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud (Faroole).
Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland General Cabdi Xasan Cawaale oo maanta Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu weerar afka ah uu ku qaaday Madaxweynaha Maamulka Puntland.
General Cabdi Xasan Cawaale ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in hadalkii shalay ka soo yeeray C/Raxmaan Faroole uu yahay, mid uu ku muujinaayo buu yiri in uu ku carqaladeeyo Doorashada Madaxweynaha ee lagu qabanaayo Magaalada Muqdisho.
Wuxuu sheegay in uu yahay mid ka soo horjeeda Midnimada Ummada Somaaliyeed, jacelna buu yiri in uu Soomaalidu uu kala geysanaayo, isla-markaana waxaa weeyaan buu yiri nin Qaran dumis ah.
Sidoo kale wuxuu sheegay inaysan Ummada Somaliyeed dooneyn qabyaalad iyo qurunka ay xambaarsan tahay, isla-markaana wuxuu sheegay in Madaxweyne uu noqon doono midka ay soo doortaan buu yiri Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, maadaama buu yiri uu Baarlamaanku matelo shacabka.
Dhanka kale Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug General Cabdi Xasan Cawaale (Cabdi Qeybdiid), ayaa wuxuu Faroole uu uga digay in uu dhibaato uu ku keeno Doorashada ka dhaceysa Magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Maamul Goboleed Puntland C/Raxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud (Faroole), ayaa wuxuu sheegay inay go’aan ka gaari doonaan Soomaaliya, haddii Madaxweyne loo-soo doorto buu yiri shakhsi aysan Puntland taageersaneyn.
No related content found.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>