Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Proff Geedi: “Dalka iyo Dadka ayaa u Baahan Musharax Sheekh Shariif ee ha la doorto Xildhibaanoow”..

$
0
0

Ra’isul Wasaarihii Hore ee Somalia Proff Ali Mohamed Geddi oo ka mid ah Mushraxiinta Somalia balse ka tanaasulay Musharaxnimadaasi waxuuna maanta ka mid ahaa Mas’uuliyiinta ka hadlay Xafad lagu taageerayo Musharax Sheekh Shariif Sheekh Ahmed.
Xafladaan oo ka dhaceeysay Hotel City Plaz waxaa ku sugan Siyaasiyiin caan ah oo maanta u muujinaya Taageero Musharax Sheekh Shariif waxaana k mid ah ragga ilaa iyo hada hadlay Proff Geedi oo halkaas ka jeediyay qudbad dheer oo u badneeyd Taageero Musharax Sheekh Shariif waxuuna sheegay in howsha ay ku haboon tahay in uu dhameeyo qofka ay qabyada u tahay.
“Waxaan arkaa Musharaxiin fara badan oo Qurbaha ka yimid waxaan is lee yahay Raggas waxeey u baahan yihiin in ay la qabsadaan Cimilada Dalka whyo waxeey ka maqnaayeen dalka wax badan marka waxaa loo baahan yahay in ay dalka la qabsadaan”
“Anigu Proff Geddi ahaan waxaan qabaa haloo daayo dalka Shariif Sheekh Ahmed wuu mudan yahay howsha qabyadana asagaa dhameynaya dalkana waxuu hada cagta u saaray wadadii Nabadda ee Xildhibaanoow waxaan idiinka codsanaa hala taageero Musharax Sheekh Shariif”

Proff Geedi waxuu si cad u sheegay in Maanta uusan jirin shaqsi ka mudan Sheekh Sahriif oo la dooran karo waxuuna sheegay in Musharax Shariif Sheekh Ahmed yahay shaqsiga maanta u baahan yahay dalka iyo dadkaba.
Hadalkaan Ra’isul Wasaarihii hore ee Somalia Proff Geedi waxuu imanayaa Xilli Maalinta Berito wadanka uu ka dhici doono Doorashada Madaxweynaha Dalka Somalia waxuuna maanta u muujiyay Taageero Madaxweyne Shariif waxana iska cadaatay sababihii uu u tanaasulay in ay aheyd in uu Shariif Sheekh ahmed u arko musharax mudan in la doorto.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>