Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Farxadu ma Music iyo is jajabin baa?

$
0
0

Waxaan filayaa in cinwaanka maqaalku cadeyn u yahay mowducuaan jeclahay inan wax yar isaga sheegno.,Yaa diiday in arooska la farxo la ciyaaro, dhar qurux badan la xidho, jawaabtu waa cidna arooska qofka muslimka ah wuxuu leeyahay wax looga sooco aroosyada kale. waa musiibo weyn walaahi in la kala saari waayo dadkii muslimiinta ahaa yo dadkaan muslimiinta ahayn, waa musiibo inan wax walba soo xanbaarsano inagoo kala eegin maxay diintu ka qabtaa arintaan, Allah subxanahu watacalaa iyo Rasuulkiisa salalahu calayhi wasalam ma iigu caroonayaan waxaan sameynayo habeenka arooskayga mise raali bay ka yhiin? Yaan uga deydaa qaabkaan u sameysanayo arooskayga ma dadkaan raali geliyaa mise Allihii i abuurtay aduunkana ii keenay inaan isaga caabudo? walal waxaad ogaataa in carrada dadku waxba kaa dhimeyn mar hadaad raali gelinayso Allah subxanahu watacala, iyo Rasuulkiisa salalahu calayhi wasalam.
Qofka muslimka ah waxaa laga doonayaa inuusan noqon dameer dhaan raacday waxaa kaloo laga doonayaa inuusan u noolaan dadka, inuu ka cabsoodana maaha dadku maxay i oran doonaan hadaan arooskayga sideey dadku u dhigtaan aanan u dhigan, waxaaba caadi iyo halhaysba noqday Bismilaah meesha ma tacsi baa la fadhiyaa soo aroos maaha.?haa waa aroos laakiin macnaha farxadu maaha niiko iyo music iyo is jajabin farxadu waa inaad Allah raali geliso wixii uu kuu jideeyayna dariiq iyo hab nololeedkaagaku salayso…
Dadkeena intiisa badan in Allah u naxariistay mooyee waxay u fahmeen farxada arooska Alllah oo la caasiyo hadeysan afka ka dhihina ficilkoodaa ka marqaati kacaya waayo marka farxadii arooska laga dhigo music iyo heeso hadii labadaa la waayana loo arko meesha inaysan aroosba u ekayn soomaaha wax la yaab leh. inagoo og in heesaha iyo musigu xaaram yihin hadana aan oranayno waa aroose maxaa ka micno ah iyo dadkeeygaan wax la qabaa, waa caadi waa hal habeene waana farxade,walalkayga aroosanaya iyo walaasheyda aroosanaysa waxaan leeyahay walal iska jir inaad dad dartii Allihii ku keenay koonka u caasido, walal iska jir inaad Allah ka xishoon waydo dadkana ka xishooto, walal iska jir inaad macsiyo Alle ku raali geliso bini ‘aadam ,iska jir walal aadna isaga jir inaad gurigaaga macsi iyo carada Allah ku bilowdo, siduu u barakoowi guri macsi Allah iyo caradiisa lagu dhisay laguna aas aasay, waa waxaan suurtagalayn..
Walalayaal aan iska deyno dhaqankeenaa saan ahaan jirey iyo dadkoo dhanba way sameeyaane ma kaligeeybaa sameeya, dhaqanku haduusan diinta waafaqsanayn maaha dhaqan wanaagsan in lagu dhegnaado lagu faano ma mudna, waa jirtaa dhaqankeena wax badan oo fiican wuxuuse u badan yahay mid Diinta ka soo horjeeda halaagna noo horseedi kara hadaan sidi diinta u weyneyno..
Walalayaal Diinteenu ma ogola ragg iyo dumar is dhex booda islana ciyaara, walal haka ogolaan cidna inay kugu qasabto wax danbi iyo macsi ah, waxaan saa u leeyahay waxaa jira dad badan oo la qasbo iyagoon raali ka ahayna wixii la doono lagu dul sameeyo isagana lagu yiraahdo ma hadli kartid inagaa howsha wadna halkaaga fadhi aroos baa tahee, cajiib! hadaan aroosad ama caruus ahay miyaan iska yeelaa wax walba? malaha carabkii aan wax ku diidi lahaa ama ku hadli lahaa maalintaas ma lihi? waxaan ku soo koobayaa si gurigaaga iyo mustaqbalkaagu u noqdaan mid faraxad iyo nolol raaxo iyo daacada Allah ku dhisan marka hore ku bilow Farxad iyo damaashaad bilaa macsi ah…..
WQ:Najma Saciid
2012-07-21
najma@khadijahome.com
No related content found.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>