Warar Hoose ay heshay Shabakada Badweyn.com ayaa sheegaya in Golaha Wsaiirada Xukuumada Cusub ee Soomaaliya yeelaneyso intooda badan yihiin kuwa diyaarsan lana sugayo tiro Wasiiro ah oo wali harsan.
Wasaaradaha horey looga sii baarandagay lana diyaariyay ayaa ah kuwa ugu Muhiimsan ee Wasaradaha Xukuumnada Cusub ee yeelaneyso kuwaa oo intooda badan la sii diyaariyay kahor inta aan lagu dhawaaqin R/Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya.
Wasaaradaha ilaa hada Diyaarsan lana qorsheeyay raga loo dhiibayo ayaa waxaa kamid ah.
Wasaarada Maaliyada
Wasaarada Arimaha Dibada
Wasaararada Arimaha Gudaha
Wasaarada Gaashaandhiga
Wasaarada Waxbarasahada
Wasaarada Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga
Wasaarada Ganacsiga
Wasaarada Warfaafinta iyo Isgaarsiinta
Iyo Wasaarada Caafimaadka
Wasaaradahan ayaana ah kuwa inta badan horey loo soo diyaariyay ayna ansixiyeen raga ugu sareeya Xisbiga Talada Dalka Haya ee PDP ,waxaana Wasiiradan badankooda laga soo xulay xubno katirsan Xisbiga iyo sidoo kale xubno aan xisbi katirsaneen balse siyaasad ahaan Xisbiga taageersan.
Wasaarada harsan ayaa ah ilaa dhoor Wasaaradood aan micno badan ku fadhin marka la eego Wasaaradaha kale ee aan horey kusoo xusnay ,waxaana hada Wasaaradahaan lala sugayaa rag kale oo iyana la tilmaamay in ay noqon doonaan Aqoonyahano xisbiga Siyaasad ahaan u janjeera si aysan u noqon Xukuumada Cusub mid aan is fahmi Karin.
Waxaa sidoo kale jira Wasiiro ay wataan Qaar kamid ah Dowladaha Jaarka sida Kenya iyo Itoobiya kuwaa oo laga yaabo in iyana kasoo dhax muuqdaan Xukuumada Cusub ,ragaas ay wataan Dowladaha jaarka ah ayaana lagu waramayaa in ay yihiin rag Siyaasada laga dhax yaqaan Dowladahaasna danahooda inta badan ka shaqeeya horeyna Wasiiro u soo noqday.
Malamaha soo aadan ayaana lagu wadaa in uu R/Wasaaraha kusoo dhawaaqo Wasiirada Diyaarsan Magacyadooda iyo kuwa Harsan ,waxaana lasoo sheegayaa Xulitaanka Wasiiradan in R/Wasaraha kali ku aheyn hooshana lala wado oo magacyada badi loo soo yeerinayo.
↧
Wasiirada Ugu Muhiimsan Xukuumada Cusub ee Somalia oo inta badan Diyaarsan lana kala qaatay(Aqriso Wasaaradahaasi)
↧