Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

“Siciid Afweynow Waanu Ognahay Inaa Siro U Gudbiso Puntland, Xilka Guddoomiyaha Guddida Khayraadkana Cidi Kuuma Dooran…Heshiisyadana Madaxweynaha Ayaa …” Xildhibaan Xariir

$
0
0

Xildhibaan Xariir Siciid Bullaale oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiiladda Somaliland, kana tirsan Guddi hoosaadka Khayraadka Dabiiciga ah ee Golahaasi, ayaa ku eedeeyey Xildhibaan Siciid Cilmi Afweyne oo ka mid ah Guddidooda inuu sheegtay Xilka Guddoomiyaha Guddidaasi oo uu sheegay inaanay cidi u dooran  oo uu iska sheegtay, isaga oo uga digay inauu mar bambe ku hadlo afka guddida khayraadka Dabiiciga ah ee Golaha Wakiiladda.
Xildhibaan Xariir Siciid Bullaale oo maanta  Shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa waxa kale oo uu mudanahaasi ku eedeeyey inuu siraha u gudbiyo Maamul Goboleedka Somaliyeed ee Puntland, isaga oo sheegay inay dhawr jeer uga digeen oo ay ku war galiyeen inuu joojiyo sirahaasi uu gudbinayo oo uu ka dhago adaygay, waxaanuu ku war geliyey mudanahaasi inay ku soo oogi doonaan eedo ka dhan ah hadii uu joojin waayo arintaasi.
Xildhibaan Xariir oo ka hadlaya arimahaasi waxa uu yidhi “Waxaan ka hadlayaa mudane ka mid ah Guddi hoosaadkayaga oo maalin walba sheegta Magaca Guddoomiyaha Guddidi hoosaadka khayraadka dabiiciga ah ee Golaha Wakiilaada, maalin walbana weerara Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha oo wax aanu xaq ugu lahayn waydiida, anaguna xaq uguma lihin Wasaaradaha inaanu waydiino Heshiisayada caalamiga ah oo aanu nidhaahno maxaad golaha u soo marin waydeen, waayo waxa ay heshiisyadaas geeyaan Golaha Xukuumadda iyo Madaxweynah,anaguna gole ahaan waxaanu xaq uhu leenahay Madaxweynaha inuu noo soo gudbiyo heshiisyadaas,  waxaan leeyahay maalin walba waxa uu ninkaasi la yidhaahdo Siciid Cilmi Afweyne waxa uu sheegtaa taytal aanuu lahay oo ah inuu Guddoomiye u yahay Guddida Khayraadka Dabiiciga ah, Guddi hoosaadkayaga waxa Guddoomiye ka ahaan jiray nin la odhan jiray Mahdi Sugaal oo ka mid ahaa Afartii Xildhibaan ee Golaha la eryey, meel aanu ku doonaray ninkaas guddoomiyaha sheeganayana ma jirto, ninkaas la yidhaahdo Siciid Cilmi Afweynana waxa uu maalin kasata sheegtaa  xilkaas aanaan u igmanin, markaa waxaan u arkaa waxa uu ninkaasi wado fariin uu dad kale u gudbinayo oo sir ah ayaan u arkaa,  halkii ay Punlant shidaalka ka wayday isaga ayaa war bixinta siin jray, taasna waxa uu ugu gudbin jiray shirarkaas Jaraa’id ee uu qabanayo oo uu si hoose fariinta ugu gudbin jiray, dhawr jeerna waxaanu ku nidhi fariintaas aad Hay’adahaas shidaalka ka baadhaya Puntland waanu kugu fahmaynaaye jooji, taasna wuu maqli waayey waanuu wadaa weli, waxaan leeyahay warbixintaas uu maalin walba bixinayo ha joojiyo Xildhibaan Siciid Cilmi Afaweyne,  hadii uu joojin waayana waxaanu ku soo oogi doonaa wax wajibkiisa ah, taas oo xaga Golaha ah oo aanu xaq u leenahayaanay , wxaan ku leeyahay Siciid Cilmi Afweynaw  mar dambe ha sheeganin Xilgaas aanad haynin eeaanay cidina kuu igman, Heshiisyada lala galo Hay’adaha waxaanu xaq ugu leenahay inaanu waydiino Xukuumadda Madaxweynaha ”
Xildhibaan Xariir Siciid Bullaale waxa kale oo uu ka hadlay Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo uu ku eedeeyey inuu Agaasime yaasha Xukuumadda Baad ka qaado, isaga oo arintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxaan isagana wax u sheegayaa Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, waxaad moodaa inuu ninkaasi intuu Agaasimayaasha qaar baad ka helay doonayo inuu dhamaan wada maro, imika Taliyaha Sirdoonku waxa uu la mid yahay Agaasiamayaasha Guud ee Wasaaradaha oo kale , markaa waxa uu ku yidhi inta uu u tegay kaali Golaha aanu ku ansixinee, waxaad moodaa inuu Agaasimeyaal kale baad ka helay ay taliyahana la martay, waxaan leeyahay siciidow ma aha sidaase u kaadi agaasime lama ansixiyee, xeerka sheegaya in Agaasime la ansixiyana adiga ayaa keeni meesha ay ku taallo, sabab aad ku dhaliishana oo aad tidhaahdo ma haysto Dibloma ma garanayo, hadii aad sidaas u dhaqantana Somaliland kaa wada yeli mayso,hadii ay jiraan qaar kaa yeelay, waxaan ku leeyahay Saaxiib Siciid waxaad tahay nin Xildhibaaninamdiisu ay muuqaro oo Golahana doodiisa leh adigu dib ha isku celinin”
Buraannews.com/Hargeysa


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>