Saraakiisha Dowladda ayaa waxay faah faahin ka bixiyeen rag fara badan oo ay u soo qab qabteen dilka Abwaan Warsame Shire Cawaale, oo maanta lagu aasay Khabuuraha School Polizio ee Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir.
Ciidamada Dowladda aya waxay maanta hawl-galo ballaaran ay ka sameeyeen Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir, waxayna ku soo qab qabteen rag fara badan oo lala xiriirinaayo dilkii xalay Degmada Waaberi loogu geystay Allaha u naxariistee Abwaan Warsame Shire Cawaale.
Taliyaha Saldhiga Booliska ee Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir G/Sare Axmed Yare, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in 50 nin ay u soo qab qabteen dilka Abwaan Shire Cawaale.
Axmed Yare ayaa wuxuu xusay in hawl-galadaan ay ku soo qabteen tiro ka badan 50 nin oo dhalinyaro u badan, kuwaa oo uu tilmaamay inay xilligaan su’aalo ku weydiinayaan Saldhiga Booliska ee Degmada Waaberi.
Cidii wax dambi ah lagu waayo ayaa wuxuu sheegay inay dib iskaga sii deen doonaan, balse wuxuu xusay cidii ay ku cadaato inay ka dambeysay dilka Abwaan Warsame Shire Cawaale, ayaa wuxuu sheegay inay tallaabo adag ka qaadi doonaan.
↧
Dowladda oo ka hadashay rag loo-soo qab qabtay dilka Abwaan Warsame Shire Cawaale
↧