Isticmaalka qaadka ayaa sanadihii dhowaa ku soo kordhayay dhallinyarada Soomaalida dhexdooda, iyadoo kala bar kuwa 20-ka sano jira iyo kuwa ka yar ay isticmaalayaan maandooriyaha, sida ay sheegayso daraasad.
Haween xirmooyin qaad ah ku iibinaya suuq ku yaalla Muqdisho. Ganacsiga sii xoogaysanaya ee qaadka wuxuu suuqyada Muqdisho ka yahay mid joogto ah. [Mohamed Abdiwahab/AFP]
Iyagoo og in qaadka uu waxyeello xun ku leeyahay caafimaadkooda, dhallinyarada Soomaalida ayaa wali isticmaala, ayuu yiri Maxamed Cabdi Sardheye, oo ah 25-jir deggan Garoowe.
“Waxaan qaadka cunayay afar sano,” ayuu yiri“Waxaan bilaabay markaan ka qalin-jabiyay dugisga sare. Dhallinyarada ma haystaan shaqooyin ay ku mashquulaan. Kaliya tiro yar ayaa shaqaysa, halka inta soo hartay ay waddooyinka wakhtiga ku qaataan. Waxaan u isticmaalaa inaan wakhtiga ku dhameeyo intaan shaqo ka helayo.”
Habka Adeegga Horumarinta la Wakhtiyeeyay ee Soomaaliya (TIDS), oo ah hay’ad saldhig ku leh Garoowe oo ka shaqaysa horumarinta dhallinyarada iyo is-dhexgalka, ayaa walaac ka muujisay dhallinyarada qaadka caadaysatay.
Sida ay sheegtay daraasad ay samaysay TIDS, ragga yar-yar iyo dumarka 20-ka sano jira iyo kuwa ka yar 55% waxay isticmaalaan qaadka, xitaa iyagoo ku jira dugsiga sare.
“Marka loo barbar-dhigo tirada guud ee qaadka cunta [Puntland gudaheeda], 80% waa dad dhallinyaro ah oo ka hooseeya da’da 35,” ayuu yiri Maareeyaha TIDS Caduur Aadan Caduur.
Dedaal dhallinyarada waddooyinka looga celinayo loogana fogaynayo qaadka, Caduur ayaa sheegay in ururka uu la shaqaynayo iskuullada gudaha si dadka iskuullada sare ka qalin-jabiyay loogu yabooho tababarro lacag lagu bixinayo oo ay ardayda heerarka hoose wax ku barayaan inta ay ka helayaan shaqooyin joogto ah. Barnaamijka tababarka waxaa lagu maal-galinayaa kaalmo laga helayo hay’adaha caalamiga ah ee gargaarka.
Isticmaalka qaadka waa guuldarro muuqata
Ku dhowaad 70% shacabka Soomaaliya ee ka yar 30-ka sano, sida ay sheegtay warbixin uu soo saaray Barnaamijka Horumarinta u qaabilsan Qaramada Midoobay, heerka sarreeya ee isticmaalka qaadka ayay dadka qaar ka walaacsan yihiin mustaqbalka jiilka xiga.
Maxamuud Jaamac Salaad, oo ku taqasusay cilmiga neerfaha oo jooga Gaalkacyo, ayaa sheegay in qaadku uu waxyeello ku yahay caafimaadka qofka.
“[Qaadka] Wuxuu waxyeellaynayaa neerfaha isagoo ku qasbaya inay howshooda xad-dhaafiyaan. Qofka ma hurdayo waxna ma cunayo, taas oo horseedaysa nafaqo darro iyo daciifnimo joogto ah,” ayuu sheegay, isagoo intaa ku daray in qaadka uu yahay wax lala qabsado oo dadka isticmaala ku hoggaaminaya inay ku tiirsanaadaan.
“Waa guuldarro muuqata,” ayuu Salaad yiri, isagoo intaa ku daray in dadka qaadka isticmaala aan lagu kalsoonaan karin. “Dadka isticmaala waxay qorsheeyaan [fiidkii] qorshe aanay fulin karin marka subaxa la gaaro. Way ka go’doonsan yihiin dadka wanaagsan waxayna ku biiraan kooxo la mid ah oo qaadka isticmaala”.
Dadka isticmaala inta badan waxay isugu yimaadan kooxo habeenkii waxayna isticmaalaan maandooriyaha iyagoo ruugaya caleemaha geedka illaa iyo subaxa. Maareeyaha wuxuu sheegay in qaadka uu sababo ilko burbur, oo horseedi kara ilko la’aan. Taa waxaa sii dheer, dadka uu saameeyay waxaa laga yaabaa inay ku dhacaan khatar ama hab-dhaqan aan bulshada ku habboonayn taas oo galinaysa khatar sarreysa oo ku xariirin karta cudurrada galmada lagu kala qaado, ayuu yiri.
Salaad wuxuu sheegay in isticmaalka qaadka uu lumiyo dabeecadda maskaxeed ee qofka. “Marka kuwan qabatima aysan lacag haysan ay ku iibsadaan, waxay ku qasban yihiin inay dhacaan ama ay xadaan si ay qaad u helaan,” ayuu yiri.
“Markii hore, Garoowe waxaa la keeni jiray ku dhowaad 15 kilo oo kiishash ah [qaadka], laakin tiradan way korortay oo waxay gaartay in ka badan 100 kiish sababtoo ah tirada joogtada u isticmaasha ayaa kordhaysa maalin kasta,” ayay tiri Shukri Siyaad, oo ah ganacsato qaad oo ku sugan Garoowe oo iibisa nooca Kenya laga keeno ee loo yaqaanno “Meru”.
Qiimaha lagu iibiyo sidoo kale way kordhaysaa. “2005-tii, qiimaha hal xirmo waxay ahayd 300,000 oo shilinka Soomaaliga ah ($13), laakin hadda waa 600,000 ($26),” ayay Siyaad u sheegtay.
Maxamed Cabdiwahaab Axmed, oo ah maareeyaha guud ee wasaarada waxbarashada Puntland, ayaa sheegay in wasaaradda ay ka warqabto dhibaatooyinka ayna qorshaynayso inay samayso olole wacyigelin oo dhallinyarada looga reebayo isticmaalka Qaadka.
Waxaan qorshaynaynaa inaan billowno howlgal aan dhallinyarada ku ogaysiinayno waxyeellada daran ee qaadka iyadoo isla markaana lagu dhiirragelinayo inay waxbartaan oo ay la jaanqaadaan dunida horumartay,” ayuu yiri
Qorshaha wali wuu socdaa, ayuu yiri, isagoo intaa ku daray in dowladda ay rajaynayso inay ururrada gudaha iyo kuwa caalamiga ahba kala shaqayso dedaallada lagu muujinayo sababaha dhaliya isticmaalka daroogada.
Xigasho sabahi media
↧
Saamaynta xun ee qaadka oo khatar ku ah jiilka soo koraya Soomaalida
↧