(Mogdishu Somalia 30 10 22012 ) Wararka naga soo gaaraya magaalada kismaayo ee xarunta gobolka jubada hoose ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi oo caawa uu qax ka dhacay .
Xafadda calanley gaar ahaan isgoyka Soomaali Star ee magaalada kismaayo ayaa la xaqiijiyay in uu ka dhacay qaraxa .
Qaraxa ayaa sida la sheegay waxaa lala eegtaya ciidamo ka tirsan dowladda soomaaliya kuwaasi oo marayay halkaasi .
Inla ogayahay shan ruux ayaa ku dhaawacantay oo seddax kamid ah ay yihiin askar ka tirsan dowladda soomaaliya .
Waxaana halka uu qaraxa ka dhacay laga maqlayay rasaas xoogan kuwaasi ay ridayeen ciidamada dowladda soomaaliya ee iyagu qaraxa lala eegatay .
Qaraxa ayaa sida la xaqiijiyay waxaa uu ahaa bambada nuuca gacanta laga tuuro waxaana arintani ay imaaneysaa iyadoo dadka reer kismaayo ay ka war sugayaan waxa ka soo bixi doona shir dhawaan ka dhici doono halkaasi kaasi oo looga arin sanayo maamul u sameynta magaaladaasi waxaana halkaasi ka jiro maamul kmg ah kaasi oo hogaan looga dhigay axmed madoobe hogaamiyihii jabhadda raaskambooni .
↧
Qarax Khasaaro geystay oo Caawo ka dhacay Kismaayo
↧