Mid ka mid ah musharixiintii u tartamay xilka Madaxweynenimada Soomaaliya, ahna siyaasi caan ah oo xilal kala duwan ka soo qabtay Soomaaliya ayaa si kulul u weeraray faragelinta dowladaha IGAD ay ku hayaan arrimaha dalka Soomaaliya, gaar ahaan dalalka Kenya iyo Itoobiya oo uu sheegay inay boob ku hayaan dhulka Soomaalida, isagoo taasi daliil uga dhigay wafdigii ka socday dowladda Soomaaliya ee dhawaan laga soo celiyey garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo, ciidanka Kenyana ay u diideen inay gudaha u galaan magaalada Kismaayo.
Zakeriye Xaaji Maxamuud Cabdi oo ah Guddoomiyaha Isbaheysiga dib u xoreynta ayaa sheegay in hadda waxa ka socda Soomaaliya ay yihiin duulaan qaawan oo ay wadaan dalal ka tirsan IGAD, gaar ahaan Kenya oo uu sheegay inay hadda u muuqato mid qabsatay magaalada Kismaayo iyo deegaanada xuduuda la leh Kenya ee dalka Soomaaliya, taas oo uu daliil uga dhigay soo celitaankii wafdigii dowladda Soomaaliya, iyo tagitaanka magaalada Kismaayo ee wafdiga ka socda IGAD iska dhex-mushaaxaya.
“Arrinta waxay u muuqataa inuu dhab noqday hadal horay uga soo yeeray aqoonyan u dhashay dalka Kenya iyo macalin wax ka dhiga Jaamacadda ugu weyn dalka Ingiriiska oo si isku mid ah u sheegay in Kenya iyo Itoobiya ay doonayaan inay kala qeybsadaan Soomaaliya, inta soo hartayna lagu daro Jabuuti” ayuu yiri Zakeriye Xaaji Maxamuud Cabdi oo intaasi ku daray in labadaasi nin ay waqtiyo aad u kala fog ay ka hadleen arrintaasi, haddana ay taasi muuqato.
Sidoo kale Mr. Zakeriye ayaa waxa uu sheegay inuu la yaabanyahay sababta uu Madaxweyne Xasan Sheekh uu uga aamusanyahay arrinta magaalada Kismaayo, isla markaasna uu uga hadli la’yahay faragelinta qaawan ee ay ku dhaqaaqeen dowladaha IGAD, gaar ahaan dowladda Kenya oo aad moodid ayuu yiri inay qabsatay magaalada Kismaayo, qabshada Kenya ee Kismaayo waxaa daliil ah hadalkii ka soo yeeray wasiirka dalxiisa Kenya oo sheegay in wafdi Kenyaan ah marka uu tagayo London ay la socodsiiyaan dowladda Ingiriiska, amar la’aanna aysan iska geli karin dalka Ingiriiska, sidaasi si la mid ahna looga baahnaa dowladda Soomaaliya inay ku soo wargeliyaan dowladda Kenya inay tagayaan Kismaayo.
“Madaxweynaha Soomaaliya waxaan leeyahay waxaad tahay Madaxweynihii dalka oo dhan, arrintan hadda taaganna waxaan leeyahay waa arrin ku saabsan Madaxbanaanida dalka, sidaas awgeed waa inuu Madaxweynaha si degdeg ah uga hadlo arrinka Kismaayo iyo faragelinta dowlada IGAD ay ku hayaan Soomaaliya, runtii ma aha waxa socda wax laga aamuso karo oo indhaha laga qabsan karo” ayuu yiri Zakariye Xaaji Maxamuud Cabdi.
↧
Mid ka mid ah musharixiintii xilka Madaxweynaha Soomaaliya oo si kulul uga hadlay wafdigii laga soo celiyey Kismaayo
↧