Ciidamada dowladda Soomaaliya ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in baaritaano ay muddo dheer wadeen ka dib ay ku soo qabteen amaba gacanta ku soo dhigeen seddex askari oo lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen dil arxan darro ah oo bishii hore magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan loogu geystay nin ganacsade ahaa oo ka soo jeeday magaalada Gaalkacyo.
Sida warku sheegayo ninka ganacsadaha ah oo bastoolad iyo lacag badan uu kala soo goostay nin kale oo reer B/weyne ah ayaa waxaa arrinkii ka dhashay isheysad iyo buuq farabadan, waxaana ninkii ganacsada ahaa lagu qanciyey inuu yimaado B/weyne oo hantidiisa loo celinayo, markii uu yimidna waxaa dilay ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa maamulka Hiiraan oo inta ay dileen, hilibkiisana cadcad u kala jarjaray, markaasi ka dibna ceel ku yaala gudaha B/weyne ku daadiyey hilbihiisa oo markii dambe la arkay, halkaasina laga soo saaray.
Guddoomiye ku xigeenka dhinaca nabad-geliyada ahna ku simaha Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Axmed Cismaan Cabdalla {Axmed Inji} oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in askarta loo heysto falka dilka ah inay ka tirsanyihiin ciidamada dowladda ee gobolka Hiiraan, laguna wado baaritaan la xiriira dembiga loo heysto ee ah dilka, ka dibna ninkii ay dileen meydkiisa ceel ku riday, wuxuuna intaasi ku daray in sedex askari oo falkaasi ku lug-yeelatay ay haatan xiranyihiin, isla markaasna uu ku socdo baaritaan.
Guddoomiiye Injiri waxaa kale oo uu sheegay in seddexda askari ee loo heysto dil 10-kii October ee bishii hore magaalada B/weyne loogu geystay ninka ganacsadaha ah ee ka soo jeeda magaalada Gaalkacyo oo magaalada B/weyne u tagay inuu dacweeyo nin kale oo alaab kala soo goostay loogu abaal guday in la dilo ka dibna inta la jarjaray hilbihiisa lagu daadiyo ceel ku yaala magaalada B/weyne gudahiisa, dhacdadaasi oo naxdin iyo la yaab ku noqotay dadka reer B/weyne.
Cabdi Jamaal Cabdulle Faarax oo ah Aabbaha dhalay ninka la dilay oo isna magaalada B/weyne u tagay haatan sidii cadaaladda loo horgeyn lahaa gacan ku dhiiglayaashii dilay wiilkiisa ayaa sheegay inuu ku rajo weynyahay in maamulka gobolka Hiiraan uu caddaaladda hor-geyn doono gacan ku dhiiglayaasha sida arxan darrada ah u dilay wiilkiisa.
Dhinaca kale waxaa shalay magaalada Beledweyne ka dhacay dibadbax taageero loogu muujinayo xukuumadda cusub ee dhawaan uu soo dhisay Ra’isul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon, waxaa dibadbaxa ka qeyb-galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan iyo dadweyne badan, didbaxayaasha ayaa watay sawiro iyo boorar ay ku qornaayeen erayo lagu taageerayo Golaha cusub ee cusub.
↧
Askar ka tirsan ciidanka dowladda oo dilayshay nin ganacsade ah ka dibna cadcad hilibkiisa u jarjaray ka dibna ku riday….
↧