Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

MSF oo Sheegtey Iney Joojineyso Howsha Ay Ka Wado Isbitaalka Baladweyn

$
0
0

Sida ay u sheegeen mas’uulyiin ka tirsan Isbitaalka Magaalada Baladweyne idaacada VOA-da Hay’ada MSF ayaa waxa ay joojineysaa howlihii caafimaad oo ay ka wadey Isbitaalkaasi .
Mas’uuliyiinta Isbitaalka ayaa sheegey in ay hay’ada ku soo war galisey in bisha December ee soo socota ay gabi ahaanba joojin doonto adeegyada caafimaad ee ay ka wado Magaalada isbitaalka Baladweyne .
Dhaqaatiirta ka howl gasha isbitalkaasi ayaa sheegey in ay isbitaalka ay hada yaalaan bukaano fara badan isla markaana ay jiraan dad kaloo fara badan oo daryeel caafimaad u soo raadsada isbitaalka kuwaasi oo ay tilmaameen in arintan ay saameen ku yeelan doonto .
Hay’ada MSF  oo ah hay’ad taageerta isbitaalo badan oo ku yaala Dalka Soomaaliya ayaa la ogeyn sababta rasmiga ah ee ka dambeesa in ay ku dhawaaqdo in ay joojineyso howlaha ay ka wado isbitaalka magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan .


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>