Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Wadahadal hoose oo u socda dowladda Soomaaliya iyo Sheekh Xasan Daahir Aweys

$
0
0

Warar aanu ka helnay ilo ku dhow dhow xarunta madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in wadahadal hoose uu u socdo Sheekh Xasan  Daahir Aweys oo ka mid ahaa saraakiishii sarsare ee ururka Al-shabaab, kadib markii Ururkii Xisbul Islaam ee uu Guddoomiyaha ka ahaa uu ku biiray Al-Shabaab bilowgii sannadkii 2011-kii.
 
Sheekh Xasan Daahirba ayaa la sheegay in uu horey uga biyo-diidanaa inuu marti u noqdo madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa haatan waxaa la sheegayaa in ay si aad ah isugu dhow yihiin isaga iyo madaxweynaha cusub Xasan Sheekh Maxamuud Culusow, isla markaana wadahadalada bilowga ah ee sida hoose u dhex maray ay isku fahmeen, balse weli aanay wax go’aan  ahi ka soo bixin wadahadaladooda.
 
Wararka qaar ayaa sheegaya in inta badan madaxdii Xisbul Islaam ay ku qanacsan yihiin fashilka ku yimid Al-shabaab  iyagoo qaar badan oo ka mid ah ay ku biireen dowladda Soomaaliya.
 
Waxaa la xaqiijiyey in La-taliyihii gaarka ahaa ee Sheekh Xasan Daahir Aweys uu isku dhiibay dowladda cusub ee Soomaaliya, kaas oo la sheegayo in uu hadda ku mashquulsan yahay sidii uu Xasan Daahir dowladda ugu soo biirin lahaa.
 
Sh. C/lahi Cali Xaashi oo ahaa la-taliyaha Sheekh Xasan Daahir isla markaana lahaa maskaxdii lagu aasaasay ururkii Xisbul Islaam ayaa waxa ay dowladda Soomaaliya dejisay guri ku yaala xaafadda Hodan ee magaalada Muqdisho, wuxuuna haatan olole xooggan ugu jiraa soo xero galinta Sheekh Xasan Daahir Aweys.
 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>