Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Madaxwene Xasan Sheekh oo isbedel siyaasadeed sameeyay

$
0
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Prof. Xasan Sheekh Maxamud Culusow ayaa isbedel siyaasadeed ka sameeyay xafiisyada Villa Somalia iyo safarrada madaxda dowladda.
 
Waxa uu Madaxweyne Xasan Sheekh soo saaray amaro ku wajahan qaabka shaqada xafiisyada madaxtooyada iyo safarrada madaxda dowladda marka ay ka dhoofayaan Muqdisho soona degayaan.
 
Ugu horreyn wuxuu madaxweynuhu joojiyay booqashooyinkii iyo qaabilaaddii xad-dhaafka ahayd ee madaxdii isaga ka horeysay ay ku mashquuleen, wuxuuna amar ku bixiyay in hadda iyo wixii ka dambeeya aysan shaqeyn doonin Kaararkii aqoonsiga ee lagu soo geli jiray xarunta madaxtooyada, kuwaasoo dadka heysta ayt tiradoodu gaareysay boqolaal ay kaararkooda bixiyeen Sheekh Shariif, C/weli Gaas iyo Shariif Xasan.
Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu amar ku bixiyay in xafiisyada madaxdu ay u furan yihiin shaqo oo kaliya, isla markaana aysan dhici doonin hadda kadib in xafiisyadooda ay buux dhaafiyaan qaraabo iyo saaxiibo danahooda u socda.
 
Wuxuu madaxweynuhu u ogolaaday xafiiskiisa inay booqan karaan dan shaqo u socda, maadaama xafiisyadu u furan yihiin dan shacab.
 
Dhanka kale waxa uu madaxweyne Xasan Sheekh joojiyay in la xiro waddooyinka Muqdisho marka ay dhoofayaamn ama soo degayaan madaxda dowladda ama wufuud kaleba, maadaama ay taasi xayireyso shacabka oo qaarna shaqooyin u socda, ardayda iyo gaadiidkaba.
 
Madaxdii dowladdii KMG ahayd ayay dadku qaati ka joogeen iyadoo marka ay dhoofayaan ama soo degayaan waddada  isku xirta Ayraboorka iyo xarunta madaxtooyada ay xiri jireen ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda, tiiyoo ay dhici jirta in wafdiga oo aan diyaar ahayn la sii xiro waddada oo saacado badan iska xanibnaanaysa.
Qorshahan ayuu madaxweyne Xasan Sheekh in wax badan laga bedelayo, waxayna dadka Muqdisho jooga ay sheegeen in markii madaxweynuhu uu u dhoofayay dalka Uganda aan la xirin waddada, lana arkayay gaarigii siday madaxweynaha iyo ilaaladiisa oo dhex mushaaxaya waddada isku xirta Villa Somalia iyo Garoonka diyaaradaha Muqdisho taasoo  ah wadada ugu mashquulka badan Muqdisho.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>