Dowladda Soomaaliya ayaa waxay cashar lama ilaawaan ah ay kala kullantay Xarakada Al Shabaab, oo uu kala dhaxeeyo dagaalo xoogan, isla-markaana Al Shabaab ayaa waxay mar walba ku mashquulsan tahay, sidii ay wax-yeelo ugu geysan laheyd Dowladda Soomaaliya.
In ka badan boqol dagaal-yahano oo ka tirsan Al Shabaab oo hubkooda iyo baabuurta dagaalada ku hubeysan, ayaa waxay sheegeen inay ku soo biirayaan Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya, iyagoo markaasi sheegay inay ka soo goysteen Shabaabka ku sugan Deegaanada loo-barakacay.
Ciidamadaan ayaa waxaa hogaaminaayay Sheekh C/Qaadir Cali, oo ka mid ah Saraakiisha Xarakada Al Shabaab ee deegaanada loo-barakacay, kaasoo deegaan ahaan ka soo jeeda Gobolada Baay iyo Bakool, isagoo wada-hadal la-gallay Dowladda Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya ayaa waxay si weyn u soo dhaweysay Sheekh C/Qaadir Cali, isla-markaana waxay ugu baaqday in uu si deg deg ah ugu soo biiro Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya, uuna uga soo taggo Al Shabaab, hase ahaatee maxaa dhacay?
Waxaa dhacday in markii ay ka soo baxeyn Deegaanka Ceelasha Biyaha, ay ka soo gudbaan Deegaanka Kaxda ee duleedka Degmada Dharkiinley ee Gobolka Banaadir, ayaa waxayba fariisimo ka sameysteen Deegaanka Kaxda meelo ku dhaw dhaw, soona xigta dhinaca Degmada Dharkiinley.
Meeshii laga fillaayay inay kaga soo biiraan Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya, ayaa waxay dagaalo culus la-galleen Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom iyo Ciidamadda Dowladda Kmg ah ee Somaliya ee fariisimaha ku leh Xaafadda Xoosh ee Degmada Dharkiinley.
Labada dhinac ayaa waxaa halkaasi ku dhex maray dagaalo culus oo qaatay waqti badan, isla-markaana waxay difaacyo ay ka sameysteen Deegaanka Kaxda, waxayna tani layaab ku noqotay Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya.
Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxay damacsan tahay inay dagaalo culus ku qaado Xoogaga Shabaab ee uu hogaaminaayo Sheekh C/Qaadir Cali ee sida weyn leh u qiyaamay, isla-markaana waxay dooneysaa inta aysan ku xoogeysan Deegaanka Kaxda inay ka saarto.
Waa cashar lama ilaawaan ah oo ay Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya ay kala kullanto Xoogaga Shabaab, oo uu kala dhaxeeyo dagaalo xoogan, isla-markaana Al Shabaab ayaa waxay mar walba ku mashquulsan tahay, sidii ay wax-yeelo ugu geysan laheyd Dowladda Soomaaliya.
↧
Xarakada Al Shabaab oo cashar lama ilaawaan ah u dhigtay Dowladda Soomaaliya “Warbixin Xasaasi ah”
↧