Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Madaxweyne Shariif Oo Cambaareeyey Dilka Agaasimihii Shabeelle

$
0
0



Madaxweyne Shariif Oo Cambaareeyey Dilka Agaasimihii Shabeelle

Muqdisho (RBC) Madaxweyne Shariif  Sheekh Axmed oo ko qeyb galaya shirka 18-aad ee hoggaamiyaasha midowga Africa uga socda magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa cambaareeyay dilka agaasimihii Idaacadda shabeelle oo sabtidii ka dhacay muqdisho.
War saxaafadeed kasoo baxay Xfaiiska Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in madaxwyenuhu uu aad uga murugooday dilka macno-darrada ah ee lagula kacay weriyaha.
Madaxweynuha waxa uu dilkaais ku tilmaamay Masiibo  daran, waxaana uu tacsi u diray ehelada weriyaha iyo saxaafada.
Madaxweynaha ayaa ku  eedeeyay dilkiisa in ay ka dambeeyaan ururka Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida sida uu hadlka u dhigay.
Madaxweynaha aya augu baaqay shacabka inay hay’daha Pooliska ee ku shaqada leh ka caawiyaan sidii kiiskan loo baari lahaa ayna iska ilalaiyana kuwa ka soo horjeeda nabadda iyo xasilloonida dalka.
Ugu dambeen madaxweyne Sharifii ayaa shegay in dawladdu ay dib u eego doonto tallaabooyinka dhinaca nabadgelyada si loo ilalaiyo muwaadiniinta gaar ahana kuwa ku hawlan danaha bulshada.
Dilka agaasimihii Shabeelle ayaa waxa cambaareeyay dhamaan qeybaha bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho.
RBC Radio
——————-
Xafiiska Wararka Muqdisho


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>