Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Wadayaasha Gaadiidka Birta Culus Oo ka Cabanaya Mas’uulyiinta Shirkadaha

$
0
0

Muqdisho  ( Sh.M.Network )— Qaar ka mid ah wadayaasha gaadiidka birta culus oo la soo xariirey Shabelle ayaa waxa ay si weyn kaga cowdeyn mas’uulyiinta shirkadaha ajaaniibta ah ee ka howl gala Dekada iyo Airport ka  ayagoona sheegey in ay dhibaatooyinka ay qabaan ay ugu weyn tahay mushaharaad yari.
Kadib markii ay tilmaameyn in darawalo Soomaaliyeed ay mushahar ahaan u qaataan bishiiba lacag u dhaxeesa 200 oo Dollar ilaa iyo 300 Oo dolaar Lacagta mareekanka ah halka shaqaalaha ajaaniibta ah ee laga kala keeney wadamada turkiga , Kenya , iyo Tenzania ay bishiiba qaataan lacag u dhaxeesa 1500 oo Dollar Mareekanka ah ilaa iyo 3000 Dollar Mareekanka ah.
Darawaladani oo hadalkooda sii amba qadayey ayaa waxa ay sheegeen in dhibaatooyinka kale ee lagu hayo ay ka mid yihiin in lagu qasbo in shaqaalaha ajaaniibta ah ay baraan xerfadahooda shaqo ee ku aadan wadida wiishashka , gaderadada , boogleynada , iyo katarbiilalada iyagoona intaa ku darey in markii shaqaalaha ajaaniibta ah xirfadaas la baro in muwaadinka Soomaaliyeed lagu wargeliyo in shaqadii laga joojiyey ayagoona ku tilmaamey wax lagu xumaado.
Darawaldani ayaa ka codsadey madaxda ugu sareeso Dowladda in ay wax ka qabtana arintaan isla markaana arintan uu ka dambeeyo mid ka mid ah milkiilayaasha shirkadaha sidoo kalena ah mudane ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya .


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>