Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxmuud ayaa ku soo dhaweeyey Xarunta Villa Somalia Wafdi ka socday United Kingdom (UK) Kuna wareejiyay dhulkii ay ka dhisan lahayeen Safaaradooda cusub .
Wafdigaas ayaa waxaa horkacayay Safiirka UK u qaabilsan Soomaliya mudane Matt Baugh.Waxeey na aad ugu farxeen in lagu wareejiyay dhulkii ay ka Furan lahayeen Safaradooda ku taala Soomaaliya.
Maalintii shalay ayaa waxey aheyd markii Villa Soomaliya lagaga aqbalay warqadahiisa Safiirnimo, Safiirka cusub ee Australia usoo magacawday Soomaaliya. Waxaa soo kordhayo dalalka doonayo in ay ka furtaan saafarado rasmi ah Soomaaliya.
Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay dalalka kale ee Beesha Caalamka in ay dowladda soo dhaweyneyso dalkasta ee doonaya in xiriir caalami ah lasamaysto dalkeena Soomaaliya oo hada nabadii dib loo yagleelay.
↧
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Dowladda Britain ku wareejiyay dhulkii ay Safaaradda ka furan laheyd
↧