Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Dowladda Somaliya oo diiday in damiin lagu sii daayo Wariyihii Idaacada BBC-da ee Magaalada Muqdisho

$
0
0

Iyadoo Dowladda Somaliya ay maanta xabsiga dhigtay Wariyihii Idaacada BBC-da laanteeda afka Somaliga ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxay diiday inay damiin ku sii deyso.
Wariye Ibraahim Maxamed Aadan ayaa waxay maanta Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ay amartay in xabsiga la dhigo, iyadoo uu xilligaan uu ku xiran yahay Xabsiga Dhexe ee Magaalada Muqdisho.
Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ayaa waxay Wariye Ibraahim Maxamed Aadan ay ku eedeysay, in uu warar khaldan uu ka diyaariyay, uuna u gudbiyay Idaacada BBC-da laanteeda afka Somaliga.
Dadaalo badan oo ay sameeyeen Wariye-yaasha Magaalada Muqdisho, oo ay ku doonayeen in lagu sii daayo Wariye Ibraahim Maxamed Aadan, ayaa waxaa si weyn uga soo horjeedsatay Dowladda Somaliya.
Dowladda Somaliya ayaa waxay si cad ay u sheegtay inaysan wax damiin ah ku sii deeneyn Wariye Ibraahim Maxamed Aadan, isla-markaana ay Maxkamad soo taageyso, ayna Sharciga ku waafajineyso.
Si cad looma oga wararka khaldan ee uu Wariye Maxamed Ibraahim Aadan uu ka diyaariyay dhinaca Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida, taasoo ay si weyn uga caroodeen Saraakiisha Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>