Kulankii ugu horreyay ee golaha wasiirada cusub ee Soomaaliya ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.
Kullankan oo uu shir guddoominaayay ra’iisal wasaare Cabdi Faarax Shirdoon waxa looga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin qorshaha ugu horreeya xukuumda, ammaanka iyo nabad-galyadda.
Kulanka oo ahaa mid ay saxaafadda bannaanka ka ah, ayaa markii uu soo dhammaaday waxa saxaafadda la hadlay wasiirka warfaafinta Soomaaliy Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi.
Wuxuu sheegay in shirka golaha wasiirrada ee maanta looga hadlay qoddobo ay kamid yihiin in la sameeyo isbadal iyo horrumar.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in kulanka looga hadlay siddii loo soo celin lahaa wax yaabaha Soomaaliya dibedda ugu maqan sida hantida ma guurtada ah.
Wasiirka ayaa iftiimiyay in shirka golaha wasiirada uu noqon doono mid toddobaadkii la qaban doono labo mar.
Waa shirkii ugu horreeyay ee golaha wasiiradda cusub oo gaaraya ilaa 10-ay yeeshaan tan iyo markii xilalkooda ay la wareegeen toddobaadkan.
Ra’iisal wasaare Saacid ayaa ugu dambeen golaha wasiiraddiisa cusub ugu baaqay in la yimaadaan isbadal iyo waxqabad ka qota dheer xukuumadihii soo maray dalka Soomaaliya.
↧
Maxa Ka Soo Baxay kulankii xasaasiga ahaa ee Golaha wasiirada maanta Yeesheen
↧