Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Wefdigii uu hogaaminaayay Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kulan la qaatay Saraakiisha Gobolka Hiiraan “Daawo Sawirada”

$
0
0

Kulan ballaaran ayaa wuxuu galabta uu ka dhacay Magaalada Baladweyne ee Xaruunta Gobolka Hiiraan, wuxuuna uu u dhaxeeyay Wasiirka Arrimaha iyo wefdigiisii ee gaaray Magaalada Baladweyne oo kulan la qaatay Saraakiisha Gobolka Hiiraan.
Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Hiiraan ee Dowladda Soomaaliya oo iyagu si diiran u soo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Gudaha ahna Amniga Qaranka ee Xukuumada Soomaaliya C/Kariin Xuseen Guuleed iyo wefdigiisii, ayaa waxay yeesheen kulan ballaaran.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa wuxuu tacsi Qaran uu gaarsiiyay Maamulka Gobolka Hiiraan iyo weliba shacabka reer Hiiraan, isagoo ka siday Madaxweynaha iyo Xukuumada Soomaliya.
Tacsidaan ayaa waxay ku saabsaneed dilkii naxdinta lahaa ee shalay Magaalada Baladweyne loogu geystay Gudoomiyihii Odayaasha Dhaqanka ee Gobolka Hiiraan Sheekh Maxamed Xaaji Xuseen (Maracade).








Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>