Washington (Sh.M.Network)— Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in ay sii kor dhinneyso taageerada ay siiso Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM.
Johnnie Carson Kaaliyaha Xoghaya Arimaha Dibada Mareyeknka ee Africa oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in dowladda Maraykanka ay sii kor dhineyso taageerada ay siiso Ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya.
Kaaliyaha Xoghaya Arimaha Dibada Mareyeknka ee Africa waxa uu sidoo kale sheegay in howlgalka AMISOM ay Soomaaliya uu noqday mid guul laga gaaray, madaama uu sheegy in la wiiqay Awoodii Al Shabaab ay ku lahaayeen Koofurta iyo bartamaha dalka.
Isagoo hadalkiisa sii wata Johnnie Carson ayaa waxa uu ku amaanay Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM howlgaladii u danbeeyay oo ay kula wareegeen deegaano ka tirsan Koofurta Soomaaliya oo ay horay u maamuli jireen Xarakada Al Shabaab.
Dowladda Maraykanka ayaa dhawr jeer Soomaaliya ka fulisay duqeyn dhanka cirka ah oo ay ku dileen hogaamiyaal ka tirsanaa Ururka Shabaab ee ku biiray Ururka Al Qaacidda.
↧
Mareekanka oo sii kordhinaya taageerada AMISOM
↧