Muqdisho (Sh.M.Network)—Ra’isal Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo isagoo ku sugan Magaalada Muqdisho lahadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay iska kaashan doonaan ammaanka guud ahaan dalka gaar ahaan Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.
Ra’isal wasaare Saacid ayaa waxa uu tilmaamay in Ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM looga baahanyahay sugida ammaanka deegaanada ay maamusho dowladda Soomaaliya iyo ka hortagga weerarada ay deegaanadaasi ka fuliyaan Ururka Al Shabaab.
Ra’isal wasaaraha ayaa dhowr jeer oo hore waxa uu sidaan oo kale uu ugu booriyay Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM sugidda ammaanka deegaanada dowladdu maamusho xilli mararka qaar deegaanada dowladdu maamusho falal ammaanka caqabad ku’ah
↧
Ra’isal wasaare Saacid :AMISOM iyo Ciidanka dowladda waa in ay sugaan ammaanka
↧