Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Daawo Sawirada:Shirkada Gawaarida Volvo oo soo saaraysa baabuur casri ah oo shilalka ka hortagaya

$
0
0

Shirkada gawaarida farsameysa ee Volvo ee fadhigeedu yahay wadanka Sweden hase yeeshee mulkiyadeeda Shiinuhu la wareegay ayaa dhawaan shaaca ka qaaday inay soo bandhigayso baabuur cajiib ah oo ah loogu tala galay in uu yareeyo khasaaraha dhimashada & dhaawac ee ay sababaan shilalka gawaarida.
Shirkadu waxay sheegtey in gaarigan uu leeyahay qalab casri ah oo suurtagal ka dhigaya in uu ka hortago waxyaabo badan oo sababa shilalka gawaarida sida in uu socdo hadii qofka darawalka ah (shufeerka) uu hordoodo, in uu diido hadii si qalad ah loo kaxeeyo iyo in uu bixiyo digniin marka ay u soo dhawaadaan baabuur, dad ama waxyaabo kale oo uu ku dhici rabo.
War laga soo xigtey Volvo waxay ku sheegeen in gaarigan uu suuqyada dunida soo gali doono sanadka 2020-ka, iyadoo mudadaasi ka hor lagu soo bandhigi doono suuqyada gawaariada ee shirkadaasi.
Anders Eugensson oo ah masuul ka tirsan shirkada Volvo wuxuu ku macneeyey hindisaha gaarigan in lagu yareeyo dhimashada & dhaawaca ka yimaada shilalka gawaariada, waxaana uu ku tilmaamay in gaarigan loo aqoonsan doono “Dhimasho La’aan” waa sida hadalka uu u dhigaye, waxaana uu xusey in suuqyada bandhiga gawaariada (Show Room) ee shirkada lagu soo bandhigi doono gawaaridan sanadka 2014-ka, balse si rasmi ah loo beecin doono 8 sano ka dib.’

Shirkada Volvo oo ay haatan la wareegtey shirkada Geely Group ee Shiinaha laga leeyahay waxay ku sheegeen gaarin shilalka ka dheer in uu xitaa uu leeyahay xakameyn magaalooyinka dhexdooda uu ku soconayo 31 mph (Mile per hour)
Qorshaha soo saarista gawaaridan waxay qayb ka tahay tartan ka dhex aloosan shirkadaha gawaariada farsameeya sida Volvo, Ford, Mercedes-Benz, BMW, Vauxhall & waliba shirkada Google ee Internet-ka kuwaasi oo ku tartamaya soo saarista baaburta Is-wadda kaligood oo darawalka iyo rakaabka kale ay isku mid yihiin.

Shirkada Volvo oo 85 sano jir ah gawaaridan casriga ah ee ay soo wado waxay leeyihiin faa’idooyin kala duwan waxaana ka mid ah qalabka ku xiran.
Ka hortaga in gaarigu qof ku dhaco ama uu Jiiro
Gaariga waxaa ku xiran qalab loogu magac darey (Pedestrian Detection) oo loola jeedo in uu muujiyo in gaarigu ku dhaw yahay qof wadada ku dhaw ama soo galey, waxaana qalabka uu suurtagal ka dhigayaa in shilkaasi ka hor in gaarigu si automatic ah isku xanibo ama u istaago (break).
Ka hortaga Xayawaanka:
Sidoo kale gaarigan wuxuu leeyahay qalab lagu magacaabo (Animal Detection) oo digniin ka bixinaya hadii jidka gaarigu ku socdo uu ku soo dhaw yahay xayawaan sida Deero, iyadoo hadii shil arinkaasi ku aadan uu gaarigu ku dhaw yahay uu baabuurku is istaajinayo.
Masaafada baabuurku u jiro kuwa kale:
Gaarigan waxaa ku rakiban qalab raadar ah oo lagu magacaabo (Adaptive Crouse Control) kaasioo loogu tala galay in uu muujiyo gawaarida ka horeysa ama ka dambeysa inta gaarigan u jiraan, isagoo isla markiiba isku hagaajinaya (adjust) xawaaraha uu jiro gaariga ka horeeya ee loogu tala galay in masaafo ahaan ay isku jiraan.
Ka hortaga in uu gaarigu shil galo ama ku dhaco gaari kale:
Gaarigan ay soo wado shirkada Volvo wuxuu leeyahay qalab kale oo lagu magacaabo (Collision Avoidance) kaasi oo ah qalab gaarigu isla markiiba iskiis isku joojinyo ama ku qabsanayo break, hadii uu dareemo in uu shil gali rabo ama gaari kale ku dhici doono.
Waxyaaba kale oo uu leeyahay gaarigan
A: Caamiro afka hor ee baabuurka ku xiran oo u suurtagalinaysa darawalka in uu arko geesaha laamiga, ama marka uu soo gaaro wax uu gaari ku dhici karo oo aanu si caadi ah u arki Karin darawalku.2: Qalab Sensor ah ama dareen leh oo baabuurka digniin ka bixinaya in uu ku dhaw yahay wax uu ku dhici rabo sida dad, baabuur kale ama gidaar.
B: Qalab kale oo Sensor ah oo sheegaya ama digniin ka bixinaya gawaarida ku soo dhaw ee kula socota jidka, isla markaana qalabkan wuxuu gaariga ku xadidayaa xawaaraha loogu tala galay jidka uu ku socdo.
C: In iskiis u galo halka gawaarida la dhigo (Parking), qalab ka hortagaya in gaarigu ka baxo halka loogu tala galay in uu gaarigu la dhigo ama in uu ka baxo jidka.
D:Wuxuu leeyahay gaarigan qalab loogu tala galay in uu iskiis isku wado, iyadoo qofka gaariga darawalka ka ah uu iska galayo in uu journal iska aqristo, in uu lap top isticmaaloam in uu cunto iska cuno, gaariga oo ku socda wadooyinka waa weyn qaarkood.
Heshiiskii la magac baxay Vienna Convention ee dawladaha aduunka iyo shirkadaha gawaarida farsameeya ayaa cadeynaya in dhamaan xanibaada laga qaado caqabadaha ku hor gudban in la soo saaro baabuur si buuxda ugu shaqeysa automatic.
Vienna Convention wuxuu dhabaha u xaaraya in meesha laga saaro mucaahadada la isku raacsan yahay ee dunida ah ee in Darawalku (Shufeerku) masuul ka yahay dhamaan maamulka gaariga mar kasta.
Mowliid Xaaji Cabdi


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>